Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Pakistan, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca.
Wafdiga Pakistan waxaa hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz, Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan.
Kulanka, oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, wada-hadalladu waxay diiradda saareen dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliya, kordhinta awooddiisa hawlgal, iyo horumarinta aqoonta iyo tababarka ciidamada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in iskaashiga noocan ahi qayb ka yahay qorshayaasha lagu dhisayo laguna horumarinayo ciidamada qalabka sida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Pakistan, isagoo sheegay in iskaashiga difaacu uu gacan ka geysan karo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoojinta amniga, madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Booqashada wafdiga Pakistan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu dib loogu dhisayo Ciidanka Cirka, iyadoo sidoo kale raadineysa iskaashi caalami ah oo lagu horumarinayo awoodda dalka ee ilaalinta hawadiisa iyo difaaca cirka.
Pakistan iyo Soomaaliya ayaa horey uga wada hadlay iskaashiga ciidamada cirka. Saraakiil ka kala socotay labada dal ayaa magaalada Islamabad ku kulmay 2020, iyagoo ka wada hadlay tababarro iyo taageero la xiriirta horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya.





