Taliska Booliska Galmudug ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan booliska ay iska difaaceen weerar ay maleeshiyaad hubeysan oo qaab qabiil u abaabulan ku qaadeen bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Jiiro-Caweer, oo hoos taga degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Taliska Booliska Galmudug, weerarku wuxuu dhacay 14-kii Sebtembar 2026, abbaaro 11:10 habeenimo, xilli ciidanka boolisku ay ku sugnaayeen bar-koontaroolkaas oo ay ka wadeen howlahooda amni, Booliska ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka, kaddibna ay deegaanka ka sameeyeen hawlgal ay ku xaqiijinayeen amniga iyo dib u soo celinta xasilloonida.
Intii uu socday hawlgalka, sida lagu sheegay bayaanka, ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, kuwaas oo Taliska Boolisku sheegay in dhawaan la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda deegaanka Jiiro-Caweer ay hadda deggen tahay, iyadoo ciidamada ammaanku ay sii wadaan sugidda amniga.
Taliyaha Booliska Galmudug, G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa digniin u diray maleeshiyaadka uu sheegay inay ku hawlan yihiin falal lagu qalqal gelinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka, Wuxuu ugu baaqay inay ka waantoobaan falalka noocaas ah, isagoo sheegay in haddii ay sii socdaan ay la kulmi doonaan tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.













