Safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaaliya oo Sheegay in Markii Ugu Horeysay Soomaaliya Dayax Gacmeed Hawada U Diri Doonto 2027.

0
4

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannadka 2027 markii ugu horreysay dayax-gacmeed u diri doonto hawada sare, isagoo xusay in Turkigu uu kala shaqeynayo Soomaaliya mashaariic la xiriira hawada sare.

Safiirka ayaa sheegay in qorshahan laga fulin doono deegaanka Warsheekh, halkaas oo uu tilmaamay in laga sameyn doono xarun loogu talagalay hawlaha la xiriira dayax-gacmeedyada iyo cilmi-baarista hawada sare.

“Shan ama toban sano ka hor haddii aan dhihi lahaa maalin uun Soomaaliya dayax-gacmeed ayay hawada sare u diri doontaa, waxaa laga yaabaa in dad badan ay nagu qosli lahaayeen,” ayuu yiri safiirku.

Wuxuu sheegay in horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda uu tusaale u yahay isbeddellada Soomaaliya ka socda, isagoo xusay in maanta Muqdisho ay ku sugan yihiin diblomaasiyiin ajnabi ah oo qaarkood ay carruurtooda la yimaadeen, kuwaas oo wax ka barta gudaha magaalada.

Safiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hawlaha baaritaanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in kooxo ka shaqeynaya baaritaanka khayraadka shidaalka ay xilligan ku sugan yihiin badda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa markaan war wanaagsan oo ku saabsan natiijada baaritaanka shidaalka la helo inaad na xusuusataan,” ayuu yiri.

Dhanka kale, safiirku wuxuu sheegay in maraakiib kalluumeysi oo ka imaanaya Turkiga ay bisha Oktoobar bilaabi doonaan inay yimaadaan Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo kalluumeysiga iyo dhaqaalaha ku tiirsan badda.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysan karto dhaqaalaheeda buluugga ah, isagoo tilmaamay in kalluumeysiga iyo khayraadka badda ay noqon karaan ilo muhiim ah oo dhaqaale.

Safiirka ayaa intaas ku daray in iskaashiga labada dal uusan ku ekaan doonin hawada sare, shidaalka iyo kalluumeysiga, balse ay sidoo kale qorsheynayaan mashaariic waaweyn oo dhinacyada macdanta, beeraha, waddooyinka iyo isku xirka magaalooyinka Soomaaliya.

“Waxyaabaha aan maanta ka hadalnay waa wixii aan ilaa hadda qabanay, laakiin riyooyinkeenna iyo yoolalkayagu intaas way ka weyn yihiin,” ayuu yiri safiirka.