Hoggaamiyaha Maamulka Gobolada Waqooyi Galbeed Cabdiraxmaan Cirro oo Sheegay in ay Diyaar u yihiin in 2000 Asker U Diraan GAZA.

0
8

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay ilaa 2,000 askari ku biiriso ciidamada caalamiga ah ee la qorsheynayo in loo diro Qasa, haddii Maraykanka ama Israa’iil ay ka codsadaan.

Madaxweyne Cirro oo waraysi siiyay The Jerusalem Post xilli uu ka qaybgalayay shir ka dhacay magaalada Washington, ayaa sheegay in Somaliland ayna hadda si iskeed ah u dalbanayn inay ciidamo dirto, balse ay diyaar u tahay inay ka jawaabto haddii ay hesho codsi rasmi ah.

“Haddii la na waydiiyo, waan bixin karnaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro, isaga oo intaa ku daray in haddii isaga si toos ah loo waydiiyo uu diyaar u yahay in uu ciidamo u diro howlgalkaas.

Ciidamada loo qorsheynayo Qasa ayaa loogu talagalay inay ka shaqeeyaan sugidda amniga, tababarka ciidamada booliska Falastiin, fududaynta gargaarka bani’aadantinimo iyo ka hortagga in Xamaas ay dib ugu soo laabato gacan ku haynta milatari ee Qasa. Qorshuhu wuxuu yahay in ciidamadu ugu dambayn gaadhaan ku dhowaad 20,000 askari.

Warbixintu waxay sheegtay in Uganda ay oggolaatay inay bixiso ku dhowaad 1,200 askari, halka Morocco ay ballanqaadday ilaa 500 askari. Albania, Kazakhstan iyo Kosovo ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamo ama shaqaale militari ku biirin doonaan ciidanka uu hoggaaminayo Maraykanku.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay ciidan ka kooban ku dhowaad 25,000 askari iyo Ilaalada Xeebaha oo tiradoodu tahay ku dhowaad 1,500. Somaliland, sida uu sheegay, hore uguma biirin ciidamo ka tirsan hawlgallada Midowga Afrika.

Sidoo kale, Cirro waxa uu beeniyay in Somaliland ay Israa’iil ama Maraykanka kala hadashay in Falastiiniyiin laga soo raro Qasa oo la dejiyo Somaliland. Waxa uu sheegay in arrintaasi aanay wax wadahadal ah kala yeelan labada dal ama cid kale.