Allaha U Naxariistee Askeri Ciidanka Xoogga Dalka Ka Tirsanaa oo Duleedka Ceel-baraf Aano Qabiil Awgeed Loogu Dilay.

0
4

Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Axmed Shire, ayaa lagu dilay duleedka degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib markii koox hubeysan ay jidka u gashay isaga iyo laba askari oo kale oo la socday.

Sida laga soo xigtay xogta laga helay dhacdada, saddexda askari ayaa xilligaas ku jiray fasax, waxayna ku sii jeedeen gobolka Hiiraan si ay u booqdaan qoysaskooda. Kooxda hubeysan ayaa qabatay dhammaantood, balse markii dambe sii daysay labada askari ee kale.

Intii uu gacanta ugu jiray kooxda hubeysan, waxaa laga duubay muuqaal uu kaga codsanayo in naftiisa loo daayo, Muuqaalka ayaa muujinaya xaalad adag oo uu ku jiray, isagoo sheegay inuu xanuunsanayo, gaajeysan yahay, isla markaana uu u socday qoyskiisa.

“Abtiyaalow, ha idilina, xaalad caafimaad ayaan reerkayga ugu socdaa,” ayuu ka yiri muuqaalka.

Nabadoon Cismaan Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay dilka, isagoo sheegay in dhacdadu ay ka tarjumeyso sii xoogeysanaya rabshadaha salka ku haya aargoosiga iyo khilaafaadka beelaha.

“Dacdooyinkan foosha xun way soo noqnoqdeen. Waxa soo celcelinaya waa sharciga oo la iska indho-tiro,” ayuu yiri Nabadoonka oo wareysi siiyay Goobjoog.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay si adag uga hortagto dilalka la xiriira aargoosiga beelaha, isla markaana dadka lagu eedeeyo falalka noocan ah si dhab ah loo horkeeno maxkamadaha.

Sidoo kale, Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa tacsi u diray ehelada askariga iyo Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo dilka ku tilmaamay mid “xaq-darro ah oo argagax leh”.

Xildhibaanka ayaa dowladda Federaalka, gaar ahaan hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka, ugu baaqay in dadka lagu eedeeyay dilka la soo qabto oo sharciga la horkeeno.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ehelada askariga iyo dhinacyada kale ee ay arrintu khuseyso inay ka fogaadaan aargoosi iyo waxyeello loo geysto dadka rayidka ah.

“Waa nasiib darro weyn in askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka la dilo, haddana muuqaal laga soo duubo si loogu faano,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Xildhibaanku wuxuu dowladda ka dalbaday inay muddo 24 saacadood gudahood ah ka bixiso jawaab uu ku tilmaamay mid shacabka qancisa, isla markaana ay qaaddo tallaabo sharci ah oo ka dhan ah dadka lagu eedeeyay dilka.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaan si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta dilka Axmed Shire.

Dilka askarigan ayaa dib u soo nooleeyay xusuusta dilal hore oo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu geystay deegaanka Ceelbaraf.