“Sh.Abu-Cabdalla”Awooda Al-shabaab Wey Xoogeysatay, Goobihii Aan Ka Arimi Jirnayna Dib Ayeynu Ula Wareegi Doonaa,Insha’allaah.

0
514

Sheekh Max’ed Abu- Cabdalla Wakiilka Xarakada Al-shabaab Ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyay howlgallo Weeraro Ah Oo ay ciidamada Shabaabul Muslimiin saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen Gobolka Shabelaha Hoose deegaanno iyo degmooyin katirsan.

Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah Wakiilka Shabaab Ee shabeelaha Hoose Isagoo La Hadlayey warbaahinta Ku Hadasha Afka Al shabaab in Dagaalyahanadooda ay guluf dagaaleed ku qaadeen dhowr saldhig oo ay AMISOM iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku leeyihiin deegaanadani,

Shalaanbood,Ceelasha Biyaha,Siinka dheer,,Mareerey,No.50 iyo deegaanno kale Oo Ka Tirsan Sh/Hoose, Isagoona wakiilka Gobolkaasi Shabaab U Magacowday Shacabka muslimiinta ugu bishaareeyay in awoodda Shabaabul mujaahidiin ay xoogeysatay Goobihii Ay Ka Talinjireenna Ay Dib Ula Wareegi Doonaan.