Gudoomiyihii gobolka baay c/fitaax geesey oo ku tilmaamey wareegto xil ka qaadis ka timid kusimaha m/weynaha soomaaliya.

0
495

Wareegto ka soo baxdey xafiiska kusimaha m/weynaha ahna gud.baarlamaanka maxamed sh cusmaan jawaari oo xilka looga qaadey gudoomiyihii gobolka baay c/fitaax geesey ayaa waxaa lagu sheegey mid aan sharci aheyn.

Gudoomiyaha gobolka baay c/fitaax geesey ayaa sheegey in xil ka qaadistaasi aysan sharci aheyn uusana u hugaansameyn,c/fitaax geesey ayaa hore uga soo jabhadeeyey gudaha dalka itoobiya isla markaana markii ay itoobiya qabsatey gobolka lagu magacaabey in uu qabto xilka gudoomiyaha gobolka baay.

Gudoomiyeyaasha goboladda ayaa dawlada xasan sheekh waxey bilawdey in ay hal hal xilalka uga qaado,iyadoon la ogeyn inta qaadan doonta amarka dawlada iyo inta ka hor imaaneysaba,waa markii ugu horeysey ee qof xil laga qaadey oo heerkan ahi uu is cadeeyo,lamana oga halka ay ku danbeyn doonto arinta gudoomiye c/fitaax geesey iyo dawlada federalka somaaliya.