Profile-ka iyo Barnaamij Siyaasadeedka Murashax Madaxweyne Nucmaan Sheekh Cumar Tuure.

0
420

PROFILE-KA IYO BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA MURASHAX MADAXWEYNE EE NUCMAAN SH CUMAR TUURE.

HORDHAC

Barnaamijkani wuxuu ku dhisan yahay aragti siyaasadeed oo ku saleysan Dastuurka Soomaaliya, Shareecada Islaamka, midnimada dalka, nabadda, dib-u-heshiisiinta, dowlad-wanaagga, dimuqraadiyadda, kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka dhalinyarada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Murashaxu wuxuu aaminsan yahay in Soomaaliya leedahay dad, khayraad iyo fursado badan oo haddii si caddaalad iyo hufnaan leh loo maareeyo ay dalka gaarsiin karaan horumar iyo xasillooni waarta.

Waxaa mudnaan gaar ah la siinayaa dhalinyarada, haweenka, culimada, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed.


1. SPORTIGA IYO SHAQO-ABUURKA DHALINYARADA

Dhalinyaradu waa laf-dhabarta mustaqbalka Soomaaliya. Sidaas darteed, waxaan sameyn doonaa qorshe qaran oo lagu kobcinayo:

  • Sportiga iyo ciyaaraha kala duwan.
  • Shaqo-abuurka dhalinyarada.
  • Tababarrada xirfadaha iyo farsamada.
  • Ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.
  • Fursadaha maalgashi ee dhalinyarada.
  • Ka qaybgalka dhalinyarada ee siyaasadda iyo maamulka dalka.
  • Barnaamijyo looga hortagayo in dhalinyaradu ku biiraan kooxaha hubeysan iyo fikradaha xagjirka ah.

Waxaan sidoo kale ururin doonaa aqoonta, waayo-aragnimada iyo kartida siyaasiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo loo aqoonsanayo hanti qaran. Waxaa loo abuuri doonaa goleyaal ay taladooda iyo waayo-aragnimadooda ugu adeegaan dalka, iyadoo loo sameynayo nidaam iyo miisaaniyad ku habboon.


2. DASTUURKA IYO SHAREECADA ISLAAMKA

Barnaamijkaygu wuxuu ku saleysan yahay Dastuurka Dalka.

Qodobka 2aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu qeexayaa:

  1. Islaamku waa Diinta Dawladda.
  2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
  3. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.

Anigoo ka duulaya Dastuurka dalka, waxaan ka shaqeyn doonaa ku dhaqanka mabaadi’da Shareecada Islaamka, iyadoo la diyaarinayo tababarro, wacyigelin iyo hay’ado awood u leh hirgelinta nidaamkaas si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Waxaan wada shaqeyn dhow la yeelan doonaa saddexda hay’adood ee qaranka:

  1. Hay’adda Sharci-dejinta
  2. Hay’adda Fulinta
  3. Hay’adda Garsoorka

3. HAY’ADDA FULINTA

A. Amniga Qaranka

Amni la’aan horumar lama gaari karo.

Waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa:

  • Dib-u-habeynta Ciidamada Qalabka Sida.
  • Tayeynta iyo xoojinta ciidamada.
  • Ilaalinta dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya.
  • Mideynta iyo tayeynta tababarrada ciidamada.
  • Xoojinta Ciidanka Booliska Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.
  • Ilaalinta xuduudaha dalka.
  • Daryeelka askarta dhaawacantay.
  • Daryeelka agoonta iyo qoysaska ciidamadii ku dhintay gudashada waajibaadka qaran.
  • Horumarinta heerka nololeed ee askariga Soomaaliyeed.
  • Abuuridda kalsooni dhex marta shacabka iyo ciidamada.

Waxaa sidoo kale la bilaabi doonaa wada-hadallo lala yeesho dhalinyarada hubka u qaadatay marin-habaabinta magaca diinta, iyadoo la adeegsanayo wada-hadal, wacyigelin, dib-u-heshiisiin iyo xeelado amni oo wax-ku-ool ah.

Waxaa si gaar ah loola dagaallami doonaa fikirka xagjirka ah, iyadoo la adeegsanayo xoog iyo xeelad, wacyigelin iyo ka hortag fikir.

Marka amniga la helo, waxaa si buuxda looga shaqeyn karaa horumarka dalka.


4. DIB-U-HESHIISIIN QARAN OO DHAB AH.

Dib-u-heshiisiintu waa waddada ugu habboon ee lagu gaari karo Soomaaliya midaysan, wadajir ah oo leh mustaqbal ifaya.

Dib-u-heshiisiintu waxay ka bilaaban doontaa:

Ceel → Tuulo → Degmo → Gobol → Dowlad-goboleed → Qaran.

Waxaan ka shaqeyn doonaa:

  • Dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.
  • Xoojinta Federaalka.
  • Xoojinta dowlad-goboleedyada.
  • Sixidda khaladaadka ka jira nidaamka Federaalka.
  • Wada-shaqeyn dhab ah oo dhex marta Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
  • Wada-hadallo lala yeesho dhalinyarada hubka ku dagaallanta.
  • Furitaanka xarumo dhaqan-celin iyo wacyigelin.

Odayaasha dhaqanka waxay yeelan doonaan door muuqda oo qaran. Waxaa miisaaniyadda lagu dari doonaa nidaam lagu taageerayo odayaasha dhaqanka, si ay uga madaxbannaanaadaan gacmo kale oo dhaqaale.


5. ARRINTA SOMALILAND

Arrinta Somaliland waa arrin laf-dhabar u ah:

Wadajirka Soomaaliya, wada-noolaanshaha iyo walaaltinimada Soomaaliyeed.

Haddii shacabka Soomaaliyeed ay i doortaan, waxaan xoojin doonaa heshiisyadii hore ee ku saabsanaa Somaliland Special Arrangement, waxaana qaadi doonaa waddo wada-hadal oo wax-ku-ool ah.

Waxaan cudur-daar ka bixin doonaa dhibaatadii iyo xasuuqii ay ciidamadii taliskii milateriga u geysteen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Somaliland.

Cudur-daar keliya kuma filna. Sidaas darteed, waxaan bilaabi doonaa wada-hadal dhab ah oo lagu dhisayo kalsooni, cadaalad, walaaltinimo iyo xal siyaasadeed oo waara.


6. KAABAYAASHA DHAQAALAHA

Si loo dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha iyo dibadda, waxaan mudnaan siin doonaa:

  • Dhismaha waddooyinka.
  • Kaabayaasha dhaqaalaha.
  • Horumarinta dekedaha iyo xarumaha ganacsiga.
  • Suuq-geynta wax-soo-saarka dalka.
  • Dhiirrigelinta maalgashiga gudaha.
  • Soo jiidashada maalgashiga dibadda.
  • Abuuridda kalsooni ay ganacsatada iyo maalgashadayaashu ku shaqeeyaan.

7. TACLIINTA

Waxbarashadu waa furaha mustaqbalka dalka.

Waxaan:

  • Dhiirrigelin doonaa waxbarashada gaarka loo leeyahay.
  • Tayeyn doonaa waxbarashada dowladda.
  • Dhisi doonaa xarumo waxbarasho oo cusub.
  • Muwaadin kasta waxaan u xaqiijin doonaa fursad waxbarasho.
  • Waxbarashada dowladda waxaan ka dhigi doonaa mid lacag la’aan ah intii ay awoodda dowladdu saamaxdo.
  • Ardayga waxaan siin doonaa fursad uu ku kala doorto waxbarashada dowladeed iyo tan gaarka loo leeyahay.

Macallinka

Macallinku waa aabbaha labaad ee ubadkeenna.

Waxaan daryeeli doonaa macallimiinta dowladda u shaqeeya, waxaana ka shaqeyn doonaa:

  • Kor u qaadidda mushaharka iyo xaaladda nololeed ee macallinka.
  • Tababar joogto ah.
  • Daryeelka macallimiinta.
  • Taageerada qoyska macallinka ku geeriyooda isagoo gudanaya shaqada qaranka.

8. CAAFIMAADKA

Waxaan dhiirrigelin doonaa:

  • Isbitaallada gaarka loo leeyahay.
  • Maalgashiga caafimaadka.
  • Xoojinta isbitaallada dowladda.
  • Dhismaha isbitaallo dowladeed oo cusub.
  • Adeeg caafimaad oo aasaasi ah oo la heli karo, gaar ahaan dadka nugul.
  • Daryeel caafimaad oo hooyada iyo carruurta ah.

Hooyadu waa laf-dhabarka bulshada.

Sidaas darteed, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii hooyo kasta oo Soomaaliyeed ay u heli lahayd daryeel caafimaad oo aasaasi ah.


9. WAX-SOO-SAARKA, XOOLAHA, BEERAHA KALLUUMEYSIGA IYO DALXIISKA.

Wax-soo-saarku waa laf-dhabarka dhaqaalaha dalka.

Waxaan ka shaqeyn doonaa:

  • Kobcinta iyo naaxinta xoolaha.
  • Horumarinta beeraha.
  • Ilaalinta khayraadka badda.
  • Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.
  • Suuq u helidda wax-soo-saarka Soomaaliya.
  • Horumarinta dalxiiska.
  • Dhiirrigelinta ganacsiga xorta ah.
  • Sugidda amniga cuntada.

Hadafku waa in qoys Soomaaliyeed uusan welwel ka qabin wixii uu berri cuni lahaa.

Waxaan sidoo kale xoojin doonaa qorshayaasha lagaga hortagayo:

  • Abaaraha.
  • Fatahaadaha.
  • Masiibooyinka dabiiciga ah.

Waxaan sii wadi doonaa dadaallada ku saabsan deyn-cafinta Soomaaliya iyo ka miro-dhalintooda.


10. ARRIMAHA DIBADDA

Soomaaliya waxay u baahan tahay siyaasad dibadeed oo ku dhisan:

Qaranimo, sharaf, deris-wanaag iyo dano qaran.

Waxaan ka shaqeyn doonaa:

  • Xiriir wanaagsan oo lala yeesho dalalka deriska.
  • Nabad ku wada noolaanshaha dalalka gobolka.
  • Xiriir wanaagsan oo lala yeesho bulshada caalamka.
  • Saaxiibtinimo dhab ah oo lala yeesho dalalka Afrika iyo dunida Islaamka.
  • Xoojinta doorka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.
  • Xoojinta doorka Soomaaliya ee Midowga Afrika.
  • Xoojinta xiriirka Jaamacadda Carabta.

Waxaan dooneynaa in Soomaaliya si rasmi ah uga muuqato meel kasta oo ay danaha qaranku ku jiraan, ayna si sharaf leh u gudato waajibaadkeeda caalamiga ah.

Waxaa dib-u-habeyn lagu sameyn doonaa:

  • Safaaradaha Soomaaliya.
  • Adeegga diblomaasiyadda.
  • Qiimaha iyo sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed.
  • Suuq-geynta sawirka wanaagsan ee Soomaaliya.
  • Soo jiidashada maalgashiga shisheeye.

11. HAY’ADDA SHARCI-DEJINTA

A. Dhameystirka Dastuurka

Waxaan ka shaqeyn doonaa dhameystirka Dastuurka KMG ah.

Wasaaradda Dastuurka iyo hay’adaha ay khuseyso waxaa la siin doonaa waqti iyo awood ay ku soo gabagabeeyaan shaqada dastuurka, si shacabka Soomaaliyeed loogu helo fursad ay afti ugu codeeyaan Dastuurkooda.

B. Federaalka

Soomaaliya waa dal Federaal ah.

Waxaan ka shaqeyn doonaa in nidaamka Federaalka laga saaro wax kasta oo khilaaf iyo qabiil ku dhisan, loona beddelo nidaam ku saleysan:

Deegaan, dastuur, sharci, awood-qaybsi iyo adeeg bulsho.

Waxaan wada-shaqeyn dhow la yeelan doonaa madaxda dowlad-goboleedyada.

C. Gobolka Banaadir iyo Maqaamka Muqdisho

Waxaan ka shaqeyn doonaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu xal dastuur iyo sharci ah ka gaaro maqaamka Gobolka Banaadir iyo Caasimadda Muqdisho, iyadoo lala tashanayo shacabka iyo dadka deegaanka.

D. Doorashada Qof iyo Cod

Inta lagu guda jiro muddada xilka, waxaan ka shaqeyn doonaa in dalka la gaarsiiyo:

DOORASHO QOF IYO COD

Shacabka Soomaaliyeed waa inay helaan fursad ay si toos ah ugu doortaan cidda mataleysa.

E. Hanaanka Xisbiyada Badan

Waxaan hirgelin doonaa oo xoojin doonaa nidaamka xisbiyada badan, si siyaasadda Soomaaliya uga gudubto ku-tiirsanaanta shaqsiyaadka una gudubto nidaam xisbi iyo barnaamij ku dhisan.


12. HAY’ADDA GARSOORKA

Garsoorku waa inuu ka madax-bannaanaadaa Hay’adda Fulinta iyo Hay’adda Sharci-dejinta.

Cadaaladdu waa laf-dhabarka nolosha bulshada.

Waxaan ka shaqeyn doonaa:

  • Madaxbannaanida garsoorka.
  • Dhismaha hay’adaha caddaaladda.
  • Xoojinta maxkamadaha.
  • Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah.
  • Helitaanka adeeg caddaaladeed oo la isku halleyn karo.
  • Kor u qaadidda kalsoonida shacabka ee garsoorka.
  • In dhalinyarada dalka ka dagaallanta loo helo waddooyin caddaalad, dib-u-heshiisiin iyo dhaqan-celin.

13. CULIMADA IYO DOORKA DIINTA

Waxaan diyaar u noqon doonaa in dalka si tartiib ah oo nidaamsan loogu diyaariyo ku dhaqanka mabaadi’da Shareecada Islaamka, iyadoo la ilaalinayo Dastuurka iyo midnimada shacabka.

Culimadu waxay yeelan doonaan door muhiim ah oo ku saabsan:

  • Wacyigelinta bulshada.
  • Nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.
  • La dagaallanka fikirka xagjirka ah.
  • Baridda diinta saxda ah.
  • Horumarinta akhlaaqda iyo wadajirka bulshada.

Culimadu waxay heli doonaan taageero iyo daryeel dowladeed, iyadoo aan loo kala saarin:

Jamaaco, koox diimeed ama mad-hab siyaasadeed.

Masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka waxaa la siin doonaa taageero ku habboon, iyadoo la dhowrayo madaxbannaanidooda diineed.

Imaamyada iyo mu’adinnada masaajidda, meelaha ay sharciga iyo awoodda dowladdu saamaxdo, waxaa loo diyaarin doonaa nidaam taageero iyo daryeel oo miisaaniyadda qaranka ku jira.


14. XILDHIBAANNADA LABADA AQAL

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaan u ballanqaadayaa:

1.Waxaan idinla wadaagi doonaa magacaabista Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo la tixgelinayo talada iyo aragtida Baarlamaanka iyo mas’uuliyadda dastuuriga ah.

2.Waxaan ixtiraami doonaa sharciyada ay ansixiyaan labada Aqal, waxaana hubin doonaa in habraaca dastuuriga ah loo maro saxiixidda iyo dhaqan-gelintooda.

3.Waxaan dhowri doonaa madaxbannaanida iyo awoodda dastuuriga ah ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

4.Waxaan magacaabi doonaa masuuliyiinta hay’adaha garsoorka ee dastuurku u xilsaaro Madaxweynaha, iyadoo la raacayo soo-jeedinta hay’adaha ku shaqada leh.

5.Magacaabista jagooyinka sare ee dowladda, safiirrada, qunsuliyadaha iyo taliyeyaasha heer federaal waxaa lagu saleeyn doonaa kartida, aqoonta, daacadnimada iyo danaha qaranka, iyadoo la raacayo Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Heshiisyada caalamiga ahna waxaa loo mari doonaa habraacyada dastuuriga ah ee ay ku leeyihiin Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka.


15. ARAGTI QARAN

Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya u baahan tahay hoggaan:

Nabadda keena, dadka mideeya, dastuurka ilaaliya, dhalinyarada shaqo siiya, ciidamada daryeela, caddaaladda xoojiya, dhaqaalaha kobciya, isla markaana shacabka siiya fursad ay taladooda ku yeeshaan.

Soomaaliya ma haysato waqti kale oo lagu lumiyo khilaaf aan dhammaad lahayn.

Waxaan u baahanahay:

Nabad

Cadaalad

Dastuur

Doorasho Qof iyo Cod

Shaqo-abuur

Waxbarasho

Caafimaad

Dhaqaale

Federaalka oo hagaagsan

Midnimo Qaran


GUNTII IYO GABAGABADII

Barnaamijkani waa ballanqaad siyaasadeed oo ku saleysan Dastuurka, Shareecada Islaamka, midnimada dalka, nabadda, caddaaladda iyo horumarka Soomaaliya.

Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay leedahay dad karti leh, dhalinyaro badan, aqoonyahanno, ganacsato, culimo, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin leh waayo-aragnimo dheer.

Hantida ugu weyn ee dalka ma aha oo keliya dhulka iyo khayraadka dabiiciga ah; hantida ugu weyn waa shacabka Soomaaliyeed iyo kartidooda.

Sidaas darteed, waxaan dhiseynaa Soomaaliya ay taladeeda wada leeyihiin shacabka, ay sharciyadeedu shaqeeyaan, ay caddaaladdu madax-bannaan tahay, ay ciidamada qaranku ilaaliyaan dadka iyo dalka, dhalinyaraduna helaan waxbarasho, shaqo iyo mustaqbal.

SOOMAALIYA MIDAYSAN — NABAD AH — CADAALAD AH — HORUMARSAN

DOORASHO QOF IYO COD

QARANIMO • CADAALAD • HORUMAR • MIDNIMO.