Nabad iyo Nolol ee Hogaamiyo Madaxweynehii Hore Farmaajo oo ka Horyimid Warqaddii ay Qoreen Kooxda la Baxday Golaha Mustaqbalka.

0
315

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa sheegay in Xisbiga Nabad iyo Nolol uu si cad uga soo horjeedo soo jeedinno ku baaqaya in dalka dib loogu celiyo nidaamka ku-meel-gaarka ah, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid aan ku dhisnayn aragti fog oo wax ka tari karta xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Cabdirisaaq ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu kaga hadlay warqad ay Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin xisbiyo mucaarad ah, u direen dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah. Warqaddaas ayaa la sheegay inay soo jeedisay in Soomaaliya loo sameeyo nidaam ku-meel-gaar ah si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed.

Wuxuu sheegay in Xisbiga Nabad iyo Nolol, oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uusan marnaba taageersanayn in dalka dib loogu celiyo marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd.

“Ku noqoshada nidaamkii ku-meel-gaarka ahaa waxay noqon lahayd dib u dhac siyaasadeed, ma aha xal waara oo lagu wajahayo caqabadaha jira,” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Wuxuu sidoo kale dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xilligii uu xilka hayay markii ugu horreysay ay Soomaaliya ka baxday ku-meel-gaarnimada, haddana maanta la hadal hayo in dalka dib loogu celiyo marxaladdaas.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdirisaaq ayaa xusay in xalka ugu habboon uu yahay in la sii ambaqaado wada-hadallada u socda dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isla markaana la gaaro is-afgarad ku saleysan tanaasul iyo wadatashi, halkii laga abuuri lahaa hannaan cusub oo ku-meel-gaar ah.

Hadalladan ayaa imanaya iyadoo ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan jihada geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo hannaanka awood-qaybsiga dalka.