Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga falcelisay warqaddii uu Isbaheysiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliya u diray madaxda dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, ka hor shirka Kampala ee looga arrinsanayo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo wareysi siiyay BBC-da isagoo ku sugan gobolka Mudug, ayaa ku tilmaamay warqadda mucaaradka mid “weerar ku ah qaranimada Soomaaliya”, isagoo sheegay in aysan ahayn tallaabadii ugu horreysay ee ay qaadaan.
Al-Cadaala ayaa ku eedeeyay Golaha Mustaqbalka inay muddooyinkii u dambeeyay wadeen olole uu sheegay inuu dhaawacayo dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay xiriirro iyo qoraallo u diraan hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka taageera Soomaaliya si loo wiiqo taageerada la siiyo dowladda.
“Waa falal si toos ah u saameynaya qaranimada, madaxbannaanida iyo haykalka dowladeed ee Soomaaliya, mana aha arrin ku eg loollan siyaasadeed ama doorasho,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.
Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu warqad u diray hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku leh howlgalka AUSSOM, iyagoo ku booriyay in shirka Kampala diiradda lagu saaro xal u helidda khilaafka siyaasadeed iyo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Al-Cadaala ayaa sidoo kale diiday doodda mucaaradka ee ah in dowladda hadda jirta ay tahay xil-gaarsiin, isagoo sheegay in geeddi-socodka doorashooyinka uu si rasmi ah u socdo, isla markaana maamullada qaar ay durba bilaabeen doorashooyinkooda.
Wuxuu sheegay in shirka Kampala uu leeyahay ajande amni oo gaar ah, kaas oo la xiriira mustaqbalka howlgalka AUSSOM, qaab-dhismeedkiisa iyo maalgelintiisa, isla markaana aysan ajandihiisa ku jirin arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Dhanka kale, wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda ay weli diyaar u tahay wadahadal siyaasadeed, balse wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay isku dayayaan inay arrimaha gudaha Soomaaliya u gudbiyaan fagaarayaasha caalamiga ah, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan waxba u tari doonin dalka.
Shirka Kampala oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Midowga Afrika, dalalka ciidamada ku leh howlgalka AUSSOM iyo saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo mustaqbalka howlgalka iyo qorshaha amniga Soomaaliya ee marxaladaha soo socda.





