Eedeysane Baxsad Ku Jooga Soomaaliya oo Booliska UK Sheegeen in Lix Sano ka Hor uu Dil ku Geystay Sheffield Dalka Ingiriiska.

0
8

Lix sano kaddib dilkii loo geystay Jordan Marples-Douglas ee ka dhacay magaalada Sheffield sanadkii 2020, ciidamada Booliska South Yorkshire ayaa sheegay in Ismail Mohamoud Adan, oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa kiiska, uu weli baxsad yahay kaddib markii uu dalka UK uga baxay una aaday Soomaaliya maalintii xigtay dhacdada.

Sida lagu sheegay warbixinta, Jordan Marples-Douglas oo 23 jir ahaa ayaa lagu dilay toorey bishii Maarso 2020, iyadoo maxkamaddu hore u xukuntay Ben Jones oo lagu helay dambiga dilka, laguna riday xabsi daa’in oo ay ku jirto ugu yaraan 21 sano oo xarig ah.

Haweeney lagu magacaabo Dina Aweimrin ayaa iyaduna lagu helay dambiga caawinta eedeysane baxsad ah, kaddib markii ay gacan ka geysatay safarka Ismail Mohamoud Adan ee uu uga baxay Boqortooyada Midowday, waxaana sanadkii 2021 lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.

Qoyska Jordan Marples-Douglas ayaa sheegay in inkasta oo qaar ka mid ah dadka kiiska lala xiriiriyay la xukumay, haddana aysan helin caddaalad buuxda maadaama eedeysanaha kale uu weli baxsad yahay.

Booliska South Yorkshire ayaa mar kale shacabka ka codsaday in cid kasta oo haysa xog ku saabsan halka uu joogo Ismail Mohamoud Adan ay la soo xiriirto ciidamada ammaanka, si loo dhammeystiro baaritaanka loona horkeeno cadaaladda.