Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta in Soomaaliya la siiyo saamigeeda ku aaddan jagooyinka sare iyo madaxda ergoyinka ee Xoghaynta Guud ee ururka.
Codsigan ayaa yimid intii uu safiirku la kulansanaa Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabil Fahmy, kaa oo ka dhacay magaalada Qaahira, halkaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, iyo arrimo kale oo dan guud ah.
Safiirka ayaa gudbiyay hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu hambalyeeyay Xoghayaha Guud xilka cusub ee loo magacaabay, isla markaana muujiyay taageerada Soomaaliya ee dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Carabta.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Federaalka ay ku doonayso inay sare ugu qaaddo wada shaqeynta Jaamacadda Carabta, si loo hormariyo danaha wadajirka ah ee dalalka Carabta.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ururku uu muhiimad siinayo taageerada Soomaaliya, isla markaana uu tixgelin doono codsiyada ay soo gudbiso Muqdisho, si loo sii adkeeyo xiriirka labada dhinac.













