Duqeymaha Xuutiyiinta Yemen Ku Qaadeen Maraakiibta Shidaalka Maraya Badda Cas oo Midowga Afrika Cambaareeyeen.

0
8

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii ay kooxda Xuuthiyiintu sheegatay inay ku qaadday maraakiibta ganacsiga ee shidaalka sida ee marayay Badda Cas, kaddib markii ay ku dhawaaqeen xannibaad dhinaca badda ah oo ay ku beegsanayaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyuhu ayuu ku sheegay in tallaabooyinkaas ay yihiin kuwo si weyn u sii hurinaya xiisadda gobolka, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Midowga Afrika uu si buuxda u garab taagan yahay Sacuudi Carabiya, isagoo dib u xaqiijiyay taageerada ururka ee ku aaddan amniga, madaxbannaanida iyo xasilloonida boqortooyada.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga iyo isku day kasta oo lagu carqaladeynayo isu-socodka maraakiibta ay halis weyn ku yihiin amniga badaha caalamka, isla markaana ay dhaawacayaan xornimada maraakiibtu ugu kala gooshaan biyaha caalamiga ah, taas oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu xusay in amniga marinnada Badda Cas uu muhiimad istaraatiiji ah u leeyahay dalalka Afrika, maadaama carqalad kasta oo ku timaadda isu-socodka ganacsigu ay saameyn karto isku xidhka ganacsiga badda, silsiladaha sahayda caalamiga ah, amniga tamarta iyo dhaqaalaha dalal badan oo Afrikaan ah oo ku tiirsan marinnadaas.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Xuuthiyiinta inay si degdeg ah u joojiyaan dhammaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda, iyagoo dhowraaya sharciga caalamiga ah ee hagaya isu-socodka badda.

Waxa uu sidoo kale ku celiyay taageerada Midowga Afrika ee dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu dejinayo colaadda, lagu ilaalinayo amniga Badda Cas, laguna raadinayo xal nabadeed oo waara oo laga gaadho gobolka Badda Cas iyo Bariga Dhexe.