Soomaaliya ayaa dib u soo celisay xiriirkeedii tooska ahaa ee diblomaasiyadeed ay la lahayd Maldives, kaddib muddo ku dhow 40 sano oo labada dal uu xiriirkoodu ahaa mid xaddidan.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Safiirka Soomaaliya u fadhiya Hindiya, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, uu warqadaha aqoonsiga danjirennimo u gudbiyay Madaxweynaha Maldives, Dr. Maxamed Muu’izu, isagoo noqday safiirka aan deggenayn ee Soomaaliya u qaabilsan dalkaas.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Maldives ee magaalada Malé ayaa lagu qabtay hab maamuus diblomaasiyadeed oo buuxa, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha amniga gobolka Badweynta Hindiya.
Xiriirka Soomaaliya iyo Maldives ayaa markii ugu horreysay la aasaasay sanadkii 1988, balse burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo dagaalladii sokeeye ayaa sababay in xiriirka diblomaasiyadeed uu muddo dheer hakad galo.
Labada dal ayaa leh xiriirro ay ka mid yihiin xubinimada Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo in ay yihiin dalal ku yaalla Badweynta Hindiya, kuwaas oo dan weyn ka leh arrimaha kalluumeysiga, dhaqaalaha badda, ganacsiga iyo amniga marin-biyoodka.
Madaxweyne Maxamed Muu’izu iyo Safiir Odowa ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada nabadda iyo amniga gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay dadaal xooggan ku bixineysay ballaarinta xiriirkeeda caalamiga ah, iyadoo adeegsanaysa qaabka safiirrada aan deggenayn si ay u kordhiso joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee dalal badan.
Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa sheegaya in dib u soo celinta xiriirrada diblomaasiyadeed ay u baahan tahay in laga gudbo heerka astaanta ah, lana gaarsiiyo iskaashi dhab ah oo wax ku ool u noqda labada shacab.













