150 Maleyshiyaad iyo Gudoomiyihii Hore ee Awdiinle oo isku Soo Dhiibay Ciidamada Dawladda Soomaaliya.

0
9

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ibraahim Kalaay, oo ay ku tilmaantay guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay, iyo ku dhowaad 150 maleeshiyaad ah ay isku soo dhiibeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in kooxda isu soo dhiibtay ay ciidamada ku wareejiyeen hub iyo gaadiid dagaal, kaddib markii ay ka tanaasuleen dhaq-dhaqaaqyadoodii hubeysnaa.

“Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, Ibraahim Kalaay, oo ay la socdaan qiyaastii 150 maleeshiyaad ah, ayaa waqtiyo kala duwan oo maanta ah isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka hawlgala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii ay si cad uga soo goosteen maleeshiyaadkii uu marin-habaabiyay Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay falal amni-darro ah ka geysanayay deegaannadaas.” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda kasoo baxay.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ay socdaan dadaallo lagu dhiirrigelinayo maleeshiyaad kale inay hubka dhigaan oo ay isku soo dhiibaan dowladda, iyadoo sheegtay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga iyo dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku baaqday in xubnaha weli ku jira kooxaha hubeysan ay ka faa’iideystaan fursadda dib ugu soo laabashada bulshada, iyadoo ku adkeysatay in dowladda aysan aqbali doonin hub sharci darro ah oo lagu carqaladeeyo amniga dalka.