Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed oo War-Saxaafadeed uu Soo Saarey Aad Loogu Amaanay Dadaalka iyo Waxqabadka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA).

0
9

WAR-SAXAAFADEED

Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed oo Bogaadiyey Waxqabadka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed. (SoDMA)

Muqdisho, Soomaaliya

Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn u bogaadiyey dadaalka, kartida iyo hufnaanta ay muujiyeen Hoggaanka iyo Masuuliyiinta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), kuwaas oo si joogto ah ula socda xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira gobollada dalka, kana shaqeynaya badbaadinta iyo taakuleynta shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, cunto yarida, fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.

Warbixin ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Hay’addu ay muujisay dadaal muuqda oo lagu gaarsiinayo gargaar bani’aadannimo bulshada nugul, iyadoo fulisay qiimeyn joogto ah oo ku saabsan xaaladaha abaaraha, cunto yarida iyo saameynta isbeddelka cimilada ee gobollada dalka.

Ururku wuxuu si gaar ah u ammaanayaa dadaallada Hay’addu ku bixisay gaarsiinta gargaar cunto iyo agab kale oo muhiim ah bulshada ku nool deegaanno badan oo ay saameeyeen abaarta, waxaana ka mid ah gobollo iyo degmooyin kala duwan oo dalka ah sida Gedo, Baay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Jubbooyinka, Gobolka Banaadir iyo deegaanno kale oo baahi bani’aadannimo ay ka jirto. Sidoo kale, Hay’addu waxay dadaal weyn gelisay isku dubbaridka qaybinta gargaarka iyadoo kaashanaysa hay’adaha dowladda, maamulka heer gobol iyo degmada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada samafalka.

Waxaa sidoo kale si weyn loo bogaadiyey ololayaasha wacyigelinta ee Hay’addu ka waddo guud ahaan dalka, kuwaas oo bulshada lagu baraarujinayo sidii looga hortagi lahaa khataraha fatahaadaha, roobabka mahiigaanka ah iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah, si loo yareeyo khasaaraha naf iyo maalba leh.

Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in, inkastoo Hay’addu ay wajahday caqabado ay ka mid yihiin yaraanta dhaqaalaha iyo taageerada caalamiga ah, haddana ay soo bandhigtay waxqabad la taaban karo oo ka tarjumaya waddaniyad, masuuliyad iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Sidaas darteed, Ururku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dhammaan hay’adaha deeq bixiyeyaasha in ay kordhiyaan taageerada bani’aadannimo ee la gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed, maadaama warbixinaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ay muujinayaan in gobollo badan ay weli wajahayaan cunto yari, biyo la’aan iyo roobab ka yar intii la filayay, taas oo sare u qaaday baahida loo qabo gargaar degdeg ah.

Ugu dambeyn, Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed wuxuu ku dhiirrigelinayaa Hoggaanka iyo dhammaan shaqaalaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda qaran ee ku aaddan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo u rajeynaya guul iyo horumar joogto ah gudashada waajibaadka qaran ee ay u hayaan bulshada.

Dhamaad

Xafiiska Guddoomiyaha
Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed

Cali Maxamed Nuux (Timajilic).