Dab ka Kacay Xarun Agoonta Lagu Daryeelo Dalka Aljeeriya oo Dawladda Soomaaliya ka Tacsiyadeysay.

0
4

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, kaddib dab qabsaday xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla degmada Mohammadia ee duleedka caasimadda Algiers, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 11 qof iyo dhaawaca 19 kale.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay murugada la wadaagayso dowladda, hoggaanka iyo shacabka Aljeeriya, isla markaana ay garab taagan tahay qoysaska iyo ehellada ay carruurtoodu ku geeriyoodeen masiibadaas.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhacdadan ay tahay mid murugo weyn leh, iyadoo u dirtay tacsi iyo taageero shacabka Aljeeriya xilligan adag.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn Alle SWT uga baryeysay ehellada dhibbanayaasha samir iyo iimaan, dhaawacyadana caafimaad degdeg ah, iyadoo Aljeeriya iyo shacabkeeda u rajeysay nabad, amni iyo xasillooni waarta.

Dabka oo qarxay aroortii hore ee Khamiista ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo kooxaha dab-damiska ay saacado badan ku hawlanaayeen daminta dabka iyo samatabbixinta dadka ku jiray xarunta. Mas’uuliyiinta Aljeeriya ayaan weli shaacin aqoonsiga dhammaan dadka dhintay iyo da’dooda, halka sababta dabka dhalisay ay weli baaritaan ku socoto.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dalalka Waqooyiga Afrika, oo ay Aljeeriya ka mid tahay, ay wajahayaan kulayl aad u daran iyo heer-kul sare. Dalka Aljeeriya ayaa sannadihii u dambeeyay sidoo kale la tacaalayay dabab waaweyn oo kaymaha ka kacay, kuwaas oo sababay dhimasho iyo burbur baaxad leh.

Soomaaliya oo tacsi u dirtay Aljeeriya kaddib dab ka kacay xarun agoomaha lagu daryeelo oo ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof