Golaha Amaanka Ee Q.M Oo Rajo Wanaagsan Ka Mujiyeen Madaxweyne Gur Guurte Baaqisii Ku Aadana In Cuno Qabateynta Dhanka Hubka Laga Qado Somalia.

0
514

Sanadkii 1991, Kadib Markii Ay Bur Burtay Dowladii Dhexe dalkana ay ka dilaaceen jamhado hubeysan isla markaana ay bilowdeen dagaalo ku salaysan beelo, waxaa sanadkii 1992 la saarey Soomaaliya qaraarka 733 oo dhigaayey cunoqabatayn Ka dhan ah hubka in lagu soo rogey.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh Maxamuud ayaa dalbatey in laga qaado cuno qabataynta hubka si dalka nabadgelyadiisa ay wax uga qaban karto isla markaana tayo loogu yeelo ciidamada Soomaaliya, iyadoona tani aysan ahayn markii u horeysey ee Dowlad Soomaaliyeed ay dalabato in cunoqabataynta laga qaado, waxaa sidaan oo kale u dalbatey Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Sharif Axmed Iyo Tii Ka Horeysay Ee Cabdullaahi Yusuf.

Hadaba Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa hadda goostey in ay ka fekeraan in la qaado cunoqabatanyta hubka ee saarneyd 21 sano ee la soo dhaafey Dalka Somalia.

Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobey oo la hadlaya 15 dal ee ku jira Golaha Amaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hormariyo ciidamada Qaranka Soomaaliya, arintaani waxa ay keenaysaa in Golaha Amaanku dib uga fekero in laga Qaado Cuna Qabateynta Dhanka Hubka Ah Ee Saaran Dalka Soomaaliya.