Rag Ku Hubeysan Biskoolado Oo Maanta Bosaaso Ku Toogtay Mid Ka Mid Ah Salaadiinta Puntland.

0
493

Magaalada Boosaaso Wararka Ka Imaanaya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen bartamaha magaalada mid ka mid ah salaadiinta ugu caansan ee Puntland, iyadoo kooxihii dilka ka dambeeyay ay Ka baxsadeen Goobta.

Ciidamada Amaanka Maamul Goboleedka Puntland Ayaaney U Suuragalin Iney Gacanta Ku Soo Dhigaan kooxaha dilka geystay oo ku hubeysnaa bastoolado.

Marxuumka Maanta Ay Toogteen Rag Hubeysan ayaa lagu magacaabi jiray Suldaan Muuse Waxa Uuna ka mid ahaa salaadiinta ka soo jeeda Gobolka Bari Ee Puntland.

Ilaa iyo haatan Ma Jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka bari ee Puntland Kaaso Ku Aadan Dilka Suldaanka, waxaana dilkan uu qeyb ka noqonayaa dilal horay uga dhacayay Magaalada Boosaaso kaasoo loo geysanayay Saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka Ku Dhaqan Puntland.