Ciidamada Ethopia Ee Ku Sugnaa Magaalada B/weyn Oo Dib Ugu Soo Laabtay Saldhigyo Ay Horey Kaga Bexeen.

0
447

Guuto Ciidamo Ithopian Ah ayaa maanta fariisin ka sameystay galbeedka magaalada B/weyn, halkaasoo labo cisho ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Dhinac Ah iyo Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Magaalada Balad Weyn Ee Xarunta Gobolkaasi Hiiraan Wararka laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo dhowr bil ka hor ka baxay fariisimihii ay gudaha magaalada iyo galbeedka ku lahaayeen ayaa mar kale u muuqda kuwo dib ugu soo Noqonaya.

Ciidamada dowladda Somalia Sarkaal Ka Tirsan ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb qaadanayaan sugida amaanka, inkastoo dadka deegaanka ay wal wal ka qabaan in mar kale ciidamada dib ugu soo laabtaan fariisimihii ay horay u Faarujiyeen.