Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ugu baaqday dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee ka qayb galaya doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Galmudug inay si buuxda u dhaqan geliyaan qoondada haweenka iyo dadka naafada ah.
Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in xaqiijinta ka-qaybgalka haweenka iyo dadka naafada ah ay tahay waajib sharci ah oo saaran dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo xustay in shuruucda dalka ay dhigayaan in haweenku helaan ugu yaraan 30 boqolkiiba matalaadda, halka dadka naafada ahna loo qoondeeyay 5 boqolkiiba.
“Sida ku cad Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta dalka, waxaa waajib naga wada saaran inaan ilaalinno xaqiijinta ka-qaybgalka haweenka ee 30% iyo dadka naafada ah ee 5%. Gaar ahaan waxaa mas’uuliyad gaar ah saaran ururrada siyaasadda inay xaqiijiyaan qoondooyinkan,” ayay tiri Wasiirka.
Waxay sidoo kale adkaysay in ka-qaybgalka haweenka iyo dadka naafada ah ee geeddi-socodka dimuqraadiyadeed uu yahay tiir muhiim u ah dhismaha bulsho loo dhan yahay, isla markaana horseedi karta dowladnimo loo siman yahay iyo horumar waara.
Baaqa wasiirka ayaa imanaya xilli Dowlad-Goboleedka Galmudug uu isu diyaarinayo doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada, kuwaas oo la filayo inay door muhiim ah ka qaataan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed iyo ballaarinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeed.













