Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug oo Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Lagu Dilay.

0
194

Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug ee Puntland, Guleed Kadleeye, ayaa ku geeriyooday weerar xalay ka dhacay halkaas, kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay.

Mas’uuliyiinta dhinaca amniga ah ayaa u sheegay HOL in taliyaha dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka degmada Jariiban, balse uu markii dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysay dilkiisa.

Marxuumka oo kamid ah ciidamadii lagu soo tababaray dalka Turkiga xilligii dowladdii madaxweyne Farmaajo, ayaa ka mid ahaa booliiska cusub ee dhowaan loo kala diray degmooyinka Puntland si loo xoojiyo ammaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay wuxuu ka shaqeynayay sugidda amniga degmada Jariiban iyo la dagaallanka hubka sharci-darrada ah.

Degmada Jarriiban ayaa sidoo kale saldhig u ah ciidamo dhowaan laga qoray Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana mararka qaar laga soo sheegaa dhaqdhaqaaqyo la xiriira burcad-badeednimo.

Dhanka kale, Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen nin eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka taliyaha, oo lagu magacaabo Ibraahim Kooshin.

Sida uu talisku sheegay, eedeysanaha ayaa lagu qabtay howlgal degdeg ah oo ay ciidamada booliisku sameeyeen saacado yar kaddib dilka. Waxaa sidoo kale la sheegay in loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo mariyo habraaca sharciga.