Hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni oo Sheegay in aan Canshuur Lagu Kordhin Dekedda Boosaaso.

0
6

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay cabashada ganacsatada ee la xiriirta dekedda Boosaaso, isagoo sheegay in dowladda aysan wax canshuur cusub ku soo rogin ganacsatada, balse la cusboonaysiiyay khidmadaha laga qaado maraakiibta isticmaasha dekedda.

Deni wuxuu sheegay in Puntland mudnaanta siisay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, sida dekedaha iyo waddooyinka, si loo kobciyo ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka. Wuxuu xusay in ballaarinta dekedda Boosaaso iyo hagaajinta jidadka ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xoojinayo dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wararka sheegaya in canshuurta dekedda la kordhiyay ay yihiin kuwo aan sax ahayn. Sida uu sheegay, waxa la beddelay waa khidmadaha adeegyada laga qaado maraakiibta shisheeye ee badeecadaha keena dekedda, iyadoo aan la taaban canshuuraha rasmiga ah ee dowladda. Wuxuu xusay in isbeddelkan uu muddo dib u dhacay sababo la xiriira duruufaha dhaqaale ee dalka iyo taageerada dowladda ee ganacsatada.

Deni ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in dekedda Boosaaso ay xiran tahay, isagoo caddeeyay in howlaha dekeddu ay si caadi ah u socdaan, maraakiibtuna ay soo xirtaan, shidaalkuna uu soo dego, isla markaana dhoofinta iyo soo dejintuba ay socdaan. Wuxuu sheegay in albaabada ay xireen qaar ka mid ah ganacsatada aysan ka dhignayn in dekeddu shaqada joojisay.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada inay ka fogaadaan wararka marin-habaabinta ah, isagoo adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta ganacsiga, horumarinta dekedda Boosaaso iyo isku dheelitirka danaha ganacsatada, maalgashadayaasha iyo shacabka. Waxa uu intaa ku daray in casriyeynta dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo jidadku ay muhiim u yihiin tartanka dhaqaale iyo koboca Puntland.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo aaday xilli ganacsatada wawayn ee wax kala soo dega dekedda Boosaaso ay sameeyeen shaqo joojin, iyagoo ka cabanaya lacaga lagu kordhiyay adeegga dekedda. Arrintaan ayaa saamayn ku yeelatay ganacsiyada magaalooyinka, iyadoo maalmo badan ay albaabada u xiran yihiin xarumaha ganacsiga qaarkood.