“Abu-Muscab” Al-shabaab Waxaa Ka Shahiiday 6 Mujaahid,Kufaarta Jabutiyaankana Waxa Ka Baqtiyey 23 Askari.

0
498

Sheekh C/casis Abu-muscab Afhayeenka Dhanka Ciidamada Ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Maanta Shir Jaraa’id u qabtay Saxaafada ayaa sheegay in Dagaalkii Habeen hore ka dhacay Magaalada Baladweyne ay Mujaahidiintu ku qaadeen Ciidamada Jabuuti ay ku dileen Askar gaaraysa 23 halka Dhaawacana uu gaarayo in ka badan 40 askari Oo Jabutiyaan Ah.

Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay Abu Muscab in Ciidamada Jabuuti ay Yihin Murtadiin garab siinaya Gaalada Afrikaanta ah ee Soomaaliya kusoo duushay Sidu Shegay Sh.C/casis Oo Ah Afahayeenka Dhanka Ciidamada Al-shabaab Isagoona Intaasi Raaciyey In ay Mujaahidiinta Al-shabaab sidaas ula dagaalamayaan sidii gaaladii oo kale wuxuuna Seekhu sheegay in dhanka Shabaabka ay ka shahiideen 6 Mujaahid Sidu Hadalka U Dhigay.

Afahayeenka Al-shabaab Abu Muscab ayaa sidoo kale ka waramay Dagaal ka dhacay Degmada Xudur ee Gobolka Baay iyo Bakool halkaas oo ay xalay ku weerareen Ciidamada Itoobiyaanka ah, wuxuuna Sheekhu sheegay in Shabaabul Mujaahidiin ay khasaare lixaad leh Ugu Geesteen Ciidamada Ethopia.

Sheekh C/Casiis Abu Muscab Afahayeenka Ciidamada Al-shabaab Hadalka Ka Soo Yeeray ayaa kusoo aadaya Xilli habeenkii Jimcaha uu dagaal faraha la iskula tegay dhex maray Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Jabuutiyaanka ah ee ka tirsan Howlgalka Amisom kuna sugan Magaalada Baladweyne.