Shir uu maanta ku yeeshey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed xaruntiisa dhexe ee muqdisho uuna shir gudoominayey kusimaha gud.xisbiga mid jamhuuriga ahna gud.kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic ayaa waxaa lagaga hadley qodobo dhawr ah.
Ugu horeyntii xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa ka digey cawaaqib xumada iyo caafimaad darada ka dhalan karta barnaamijka hey’adda WFP ay ku sameyneyso meelo laga helo cunto bisil ama kijino raashinka lagu kariyo kadibna dadka loo qeybiyo isagoo bisil sababa jira awgood,hey’adda Wfp hadii ay dadka soomaaliyeed u kaalmeyneyso waa in ay siisaa raashin ay dadku guryahooda ku karsadaan ama lacag ay raashin kusoo gataan.
Muqaalka sharafta dadkeena kuma wanaagsana in sawiro laga qaato iyagoo daruufeysan inta meel leysugu keeno.
Xaga amniga dad badan oo meel isugu yimid oo la waxyeeleeyo wey sahlantahey ee halaga digtoonaado.
Dadka soomaaliyeed ee ku nool gobolada alshabaab ay maamulijireen ma laheyn dad lagu sawirto iyagoo raashin bisil u feylsan ee maanta waa maxey dadka sharaftooda iyo tii dalkaba lagu tumanayo oo ay wfp horseedka ka tahey.
Dawlada soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay u kuur gasho hawlaha qaldan ee ay wado hey’adda WFP.
Sidoo kale shirka ayaa waxaa laga magacaabey xubno hawlwadeeno ka kooban shan xubnood oo ka kala socda shan gudi oo xisbiga midnimada jamhuurigu uu leeyahey,iyadoo xubnahaasi ay si walba ula socon doonaan maxkamadeynta iyo kiiska wariye c/casiis koronto iyo xubnaha la eedeysan,isla markaana waxey kulan kale keeni doonaan warbixinta kiiska loo heysto wariyaha iyo muwaadiniita la eedeysan si xisbigu go’aan iyo cadeymo uga soo saaro in ay cadaalad heleen ama caddaalad darro ku dhacdey,waxaana xisbgu u rajeeyey xeer ilaalinta iyo garsoorkaba in aaney dabaqin rabitaan shaqsi ee ay xasuustaan allahii dunidan iyo iyagaba abuurtey ayna hortagi doonaan maxkamad uu allaah garsoore ka yahey maalinta qiyaame.
Ugu danbeyntiina waxaa shirka lagu cambaareeyey weerarada,duqeymaha iyo hawlgalada sharcidarada ah ee ka dhacaya gudaha soomaaliya kuwaasoo aaney la socon dawlada dhexe ee soomaaliya.




