Shirweynihii xisbiga horseed ee puntland oo lagu magacaabey madaxda hugaamin doonta xisbiga.

0
591

Iyadoo dhawaan lagu dhawaaqey in puntland u gudubtey nidaamka axsaabta badan ayaa xisbiga horseed waxaa lagaga dhawaaqey magaalada garoowe,waxaana xubnihiisa ugu cadcadaa madaxda waqtigan hugaamisa puntland.

Shirweyne ay yeesheen xubnaha xisbigaasi ayaa waxey doorteen in xisbiga horseed uu gudoomiye ka noqdo m/weynaha puntland c/raxmaan sh maxamuud faroole kuxigeenka koowaadna c/samad cali shire halka kuxigenka labaadna loo magacaabey gudomiyaha barlamaanka puntlan ee xiligan mr c/rashiid.

Xubnaha xisbigan isugu tagey ayaa ah kuwa talada puntland hada haya,weyna adagtahey in lagula tartamo maamulka puntland waayo iyaga ayey taladu gacanta ugu jirtaa kamana marnaan karaan sedbursi iyo iska riixa soomaalida lagu yaqaan,majiraan xisbiyo kasoo jeeda dalka qeybihiisa kale waxeyna noqoneysaa in puntland ay la haadaan dad gaar ah isla markaana ay dalka intiisa kalena wax ku lahaadaan,oo ay wax ka maamulaan.

Waa markii ugu horeysey ee xisbi siyaasi laga dhiso maamul goboleedka puntland lamana oga sida ay uga hirgelayaan xisbiyo badan iyo nidaamka ay puntland uga guureyso nidaamka qabiilka loona guuraya habka xisbiyada badan.