Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin shirkad shisheeye, mid gaar loo leeyahay ama mid dowladeed, oo ay ku jirto shirkadda SOMTURK, in ay ka fulin karaan wax hawlgal ah sida maalgashiga kalluumeysiga, ilaalada xeebaha ama hawlo kale oo ka dhaca badda iyo dhulka Puntland, iyada oo aan oggolaansho iyo fasax hore ka helin hay’adaha ay khusayso ee Puntland.
Warsaxaafadeed ay maana Puntland soo saartay ayay ku sheegtay in go’aankan uu waafaqsan yahay Qodobbada 44, 142, 51, 52, 53 iyo 54 ee Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (2012), iyo sidoo kale Qodobbada 4 iyo 54 ee Dastuurka Puntland.
Puntland waxay sheegtay in hay’adaha Dowladda Federaalka aysan sharci ahaan awood ugu lahayn inay bixiyaan rukhsado ama galaan heshiisyo maalgashi oo la xiriira badda iyo dhulka Puntland.
Puntland ayaa sheegtay in Soomaaliya ay qaadatay nidaam federaal ah, balse weli ay socdaan wadaxaajoodyo lagu dhameystirayo qaab-dhismeedkiisa. Waxay ku doodday in Dastuurka Federaalka uu dhigayo iskaashi iyo wadatashi u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isla markaana arrimaha khayraadka qaranka lagu maamulo wadaxaajood.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in mowqifka Puntland uu ku saleysan yahay Dastuurkeeda, kaas oo dhigaya in kheyraadka Puntland ay leeyihiin shacabka Puntland, Puntland-na ay mas’uul ka tahay maamulkiisa iyo ka faa’iideysigiisa. Puntland ayaa intaas ku dartay inay sii wadi doonto ku dhaqanka awoodaha dastuuriga ah ee uu siinayo Dastuurka Puntland ilaa laga dhameystirayo nidaamka federaalka.













