Heshiis La Xiriira Xoojinta Tababarada Ciidamada Booliska oo ay Kala Saxiixdeen Dawladda Soomaaliya iyo Talyaaniga.

0
6

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga tababarka ciidamada booliska, tallaabadaas oo labada dhinac ku tilmaamay mid xoojinaysa wada shaqeynta amniga iyo horumarinta hay’adaha fulinta sharciga.

Heshiiska waxaa kala saxiixday Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Matteo Piantedosi, intii uu booqasho rasmi ah ku joogay Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka wadajirka ah, heshiisku wuxuu dhigayaa hannaan iskaashi, kaas oo diiradda saaraya tababarrada aqooneed iyo kuwa xirfadeed ee booliska, diyaarinta macallimiinta tababarka bixiya, is-weydaarsiga khibradaha, booqashooyinka waxbarasho iyo wadaagga hababka ugu wanaagsan ee shaqada.

Qodobada heshiiska ayaa sidoo kale ka kooban qabashada shirar, siminaarro, aqoon-is-weydaarsiyo, tababaro heer sare ah iyo mashaariic lagu horumarinayo takhasuska ciidamada booliska ee labada dal ay dano wadaag ka leeyihiin.

Labada dowladood ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la dhiso Guddi Wadajir ah oo maamula hirgelinta heshiiska, qiimeeya horumarka la gaaro isla markaana qorsheeya wejiyada xiga ee iskaashiga. Guddigan ayaa ka koobnaan doona wakiillo ay magacaabaan hay’adaha ay khusayso ee labada dal.

War-murtiyeedka ayaa xusay in dhammaan hawlaha iskaashigu ay waafaqi doonaan shuruucda gudaha ee labada dal, xeerarka caalamiga ah iyo waajibaadka ka saaran Talyaaniga xubinnimadiisa Midowga Yurub.

Waxa kale oo lagu adkeeyay in iskaashigu uu ixtiraami doono xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta xogta shakhsiga ah.

Heshiiska ayaa dhaqangalaya muddo shan sano ah, iyadoo dib loo cusboonaysiin karo, Saxiixa heshiiskan ayaa imanaya xilli Soomaaliya iyo Talyaanigu ay sii ballaarinayaan iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo dhismaha awoodda ciidamada ammaanka.