Hoggaamihii Hore Muuse Biixi Cabdi oo Duray Safaaraddii uu Cabdiraxmaan Ciiro ka Furay Magaalada Qudus ee La Haysto.

0
7

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo sheegay in Biixi uu hore u sheegay in uu ictiraaf kasoo helay dalal, lakiinse aanu aqoonsi keenin, isla markaana ugu baaqay inuu taageero dadaallada lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland, sidii uu u taageeray maalintii Israa’iil aqoonsatay Somaliland.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, ayuu Biixi ku sheegay inaanu marnaba sheegin inuu aqoonsi rasmi ah ka helay dalalka Guinea Conakry iyo Itoobiya. Waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Cirro inuu si khaldan u fasiray hadalladiisii hore, isaga oo intaas ku daray in mowqifkiisu weligiis ahaa in Somaliland u baahan tahay ictiraaf caalami ah, balse go’aannada waaweyn ee arrintaas la xidhiidha ay mudan yihiin in si qoto dheer looga baaraan dago.

Biixi waxa uu sidoo kale dib u xusay hadalkii uu jeediyay maalintii ay Israa’iil ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay inuu soo dhaweeyay tallaabadaas isla markaana uu ku baaqay in dhinacyadeeda kala duwan si taxaddar leh loo eego. Waxa uu sheegay inaanu hore u filayn in Israa’iil ay aqoonsan doonto Somaliland, balse uu weli aaminsan yahay in aqoonsigu yahay mudnaanta koowaad ee Somaliland.

Aqoonsiga Israa’iil iyo furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dood siyaasadeed ka dhex abuuray siyaasiyiinta Somaliland. Qaar ayaa ku tilmaamay fursad diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo kor u qaadaysa dadaallada aqoonsiga, halka kuwo kalena ay muujiyeen walaac ku saabsan saamaynta ay ku yeelan karto xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Islaamka iyo gobolka.

Qoraalkiisa, Biixi waxa kale oo uu dhaliilay habka Madaxweyne Cirro u maareeyay safarradiisii dibadda. Waxa uu sheegay in Cirro qirtay inuu hore si qarsoodi ah u booqday Israa’iil, isaga oo su’aal geliyay sababta shacabka iyo warbaahinta looga qariyay safarkaas.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in wafdigii Madaxweynaha iyo wasiirradiisu ay kala joogeen dalal kala duwan intii lagu jiray safarkii ugu dambeeyay ee dibadda, isaga oo isweydiiyay sababta ay u jireen qarsoodiga iyo kala qaybsanaantaas.

Madaxweyne Cirro ayaa weli si toos ah uga jawaabin eedaha cusub ee uu u jeediyay Muuse Biixi. Hadalladan is dhaafsiga ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo doodda ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil ay weli si weyn uga taagan tahay gudaha Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.