Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay u diidday gelitaanka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, islamarkaana dib ugu soo celisay Muqdisho, kadib muran ka dhashay eedeymo la xiriira baasaboor Kenyan ah oo lagu tuhunsan yahay inuu si sharci darro ah ku helay sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Jibriil Cabdirashiid ayaa fiidnimadii Arbacada ka degay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), isagoo ka yimid Muqdisho kana soo raacay diyaaradda Saacid Airlines. Waxa uu watay baasaboor diblomaasiyadeed oo Soomaali ah iyo fiisaha gelitaanka Kenya.
Ilo ka tirsan waaxda socdaalka Kenya ayaa sheegay in saraakiishu ay hakiyeen masuulka kadib markii ay tuhmeen inuu sidoo kale sitay baasaboor Kenyan ah oo lagu helay hab aan sharci ahayn.
Wararku waxay sheegayaan inuu qirtay lahaanshaha baasaboorkaas, balse uu diiday inuu ku wareejiyo saraakiisha socdaalka, isaga oo ku adkaystay in arrinta lagu xalliyo maxkamad.
Masuulka ayaa saacado lagu hayay qaybta martida sharafta leh ee garoonka (VIP Lounge), halkaas oo baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyay dukumeentiyadiisa safarka, kahor inta aan lasoo raacin diyaarad ay leedahay Daallo Airlines oo dib ugu so laabatay Muqdisho.
Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ay kasoo saareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Si kastaba ha ahaatee, ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa xaqiijiyay in dib loo celiyay masuulka.
Dhacdadan ayaa imanaysa xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu toddobaadkan booqasho ku joogay Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana la filayaa inay saameyn ku yeelato xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal haddii aan si rasmi ah loo xallin.













