Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday qandaraaska adeegyada daraasadaynta, naqshadaynta, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee waddada Galkacyo–Hobyo, gaar ahaan qaybta Galkacyo–Ceelguula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.
Munaasabadda saxiixa ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Hawlaha Guud Ayuub Ismaaciil Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Hawlaha Guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday hay’ado iyo shirkado ku lug leh mashruuca.
Waddada Galkacyo illaa Hobyo ayaa loo arkaa mid ka mid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan ee bartamaha Soomaaliya, maadaama ay isku xiri doonto deegaannada gudaha iyo dekedaha ku yaalla xeebaha Badweynta Hindiya.
Dowladda ayaa sheegtay in mashruucan uu gacan ka geysan doono kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka dadka iyo badeecadaha, xoojinta amniga, iyo horumarinta isku xirnaanta dhaqaalaha dalka.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in bilaabista daraasadda iyo naqshadaynta qaybta 100-ka kiiloomitir ah ay saldhig u noqon doonto hirgelinta mashruuca guud ee waddada Galkacyo illaa Hobyo, oo dhererkeedu dhan yahay 260 kiiloomitir.













