Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Federalka Soomaaliya oo Eedeyn Dusha uga Tuuray Hoggaamiye Saciid Deni.

0
4

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku dhaliilay siyaasadaha maamulka Puntland iyo xiriirka uu la leeyahay dowladda federaalka.

Wareysi uu siiyay mid kamid ah warbaahinta gudaha, wasiirka ayaa ku andacooday in tiro badan oo dhalinyarada Puntland ay tahriibeen, halka kuwo kale ay u soo guureen magaalada Muqdisho si ay shaqo uga raadsadaan.

“Ugu yaraan 60% dhalinyarada tahriibtay waa reer Puntland, halka ku dhowaad 40% kuwa soo harayna ay ku nool yihiin Muqdisho,” ayuu yiri wasiirku.

Cumar Cali Cabdi ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu hor istaagay qaar kamid ah adeegyada iyo barnaamijyada dowladda federaalka, isagoo tusaale u soo qaatay aqoonsiga qaranka iyo arrimo kale oo la xiriira fursadaha dhalinyarada.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu si joogto ah uga soo horjeedo dadaallada dowladda federaalka, isagoo ku eedeeyay inuu carqaladeeyay mashaariic iyo qorshayaal ay dowladda dhexe wadday.

Wuxuu sidoo kale dib u xusay murankii ka dhashay markab hub sida oo sanadihii la soo dhaafay lagu qabtay xeebaha Puntland, isaga oo ku tilmaamay tallaabada maamulka Puntland mid ka hor timid dowladda federaalka.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo awood-qaybsiga dalka.

Puntland weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha uu jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.