Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka oo Shaacisay in Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir ay La Wareegi Doonaan Xildhibaanadii La Soo Doortay.

0
6

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa sheegay in doorashada guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay bilaaban doonto kadib munaasabadda Ciid al-Adxa, iyadoo xubnaha golayaasha deegaanka ay dooran doonaan hoggaanka degmooyinkooda.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad tababar loogu qabtay xubnaha golayaasha deegaanka ee cusub, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dhameystirka nidaamka dowladaha hoose ee ku saleysan hannaan dimuqraadi ah iyo isla xisaabtan.

“Tababarkan kadib, gaar ahaan ciidda kadib, waxaa la guda geli doonaa doorashada hoggaanka degmooyinka, halkaas oo xubnaha golayaashu ku dooran doonaan guddoomiyaha degmada iyo ku xigeennadiisa,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Wuxuu sheegay in geeddi-socodkan uu muhiim u yahay xoojinta maamulka hoose iyo hirgelinta nidaam dowladeed oo shacabka matala.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in tababarrada la siinayo xubnaha golayaasha deegaanka aysan ku ekaan doonin aqoon-isweydaarsigan oo keliya, balse ay jiri doonaan tababaro farsamo iyo kuwo joogto ah oo la xiriira maamulka degmooyinka, qorsheynta mashaariicda, adeegyada bulshada iyo habraacyada sharci dejinta ee golayaasha deegaanka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu hirgelinayo nidaamka dowladaha hoose iyo doorashooyinka deegaanka ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo loo arko tallaabo lagu xoojinayo maamulka iyo ka qeybgalka bulshada ee arrimaha dowladnimada.