Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa u xaqiijiyay Wakaalada Wararka Soomaaliyed ee Warsom in Indha Cadde ay dalka ka musaafuriyeen Ciidamada Shisheeye ee Muqdisho jooga kawaas oo amar ka heysta madaxweyne Shariifka Soomaaliya wararka aan heleyno ayaa waxay intaa raacinaayaan in indha cadde uu joogo magaalada Nairobi laguna wado in uu hada uu aado magaalada Kambaala si uu usoo raaco Shariif xasan Sheeq Aadan oo isku siyaasad ay yihiin
Dhanka kale waraka aan ka heleyno hoyga Indha Cadde ayaa sheegaya Ciidamii uu lahaa ay kala tageen kadib markii ay waayeen wax ay quutaan noloshana ay cariiri ku noqotay taasi oo sawabtay in maleeshiyaadka ay kala firxadaan
Waxeyna musaafurida Indha Cadde ay imaaneysaa xili ay mudooyinkii ugu dambeeyay dagaal culus oo uu u dhaxeeyay madaxweyne Shariifka Soomailya iyo Yusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





