Wararka ka imanaya caasimadda Tripoli ee dalka Libya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka iyo kooxo hubeysan ay tan iyo maalintii Jimcaha qabqabteen in ka badan 600 oo muhaajiriin ah, kadib howlgal ballaaran oo laga sameeyay xaafado kala duwan oo magaalada ah.
Ilo wareedypo ayaa sheegaya in boolis iyo rag hubeysan ay baaritaanno ka sameeyeen xaafado badan, iyagoo dadka qaar kasoo qabtay guryahooda, halka kuwo kale laga qabtay waddooyinka, suuqyada iyo gaadiidka dadweynaha.
Muhaajiriin badan ayaa la sheegay in lagu qabtay xilli ay marayeen goobaha ganacsiga ama ay saarnaayeen gaadiidka dadweynaha, halka qaar kalena laga watay guryihii ay deganaayeen.
Howlgalkan ayaa cabsi weyn ku abuuray Soomaalida ku nool Tripoli, iyadoo dad badan ay sheegeen in aysan hadda dareemayn amni ay si xor ah ugu dhex socdaan magaalada.
Maamulka Libya wali si rasmi ah uma shaacin sababta ka dambeysa howlgalka. Si kastaba, dadka la qabtay ayaa la sheegay in wax laga weydiinayay sharciyadooda iyo dukumentiyada deganaanshaha.
Soomaalida ku nool magaalada ayaa sheegay in jahwareer iyo walaac sii kordhaya uu ka dhashay howlgalka, kadib markii xiriirka lala waayay dad badan oo la qabtay.













