Go’aan Cusub Fududeynaya Arrimaha Doorashooyinka Maamul Goboleedyada oo Gudiga Doorashadu Soo Saareen.

0
8

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray wareegto cusub oo si toos ah u saameynaysa habka codbixinta doorashooyinka ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Go’aankan ayaa yimid kadib wadatashiyo lala yeeshay ururrada siyaasadda iyo dib-u-habeyn lagu sameeyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha qaar ka mid ah degmooyinka gobolka, taasoo saameysay jadwalkii hore ee howlaha doorashada sida lagu sheegay Bayaanka ay soo saareen.

Guddigu ayaa shaaciyay in codbixiyeyaasha si rasmi ah u diiwaangashan ay codkooda ku dhiiban karaan kaliya marka la helo laba shuruud oo kala ah, inuu qofka sito Kaarka codbixiyaha rasmiga ah Ama warqadda diiwaangelinta codbixiyaha

Guddiga ayaa sidoo kale warkoodi ku faray shaqaalaha goobaha codbixinta in ay si adag u xaqiijiyaan aqoonsiga codbixiyaha, In magaciisu ku jiro liiska kama dambaysta ah, Ka hortagga codbixin laba jeer ah, Isticmaalka khad aan tirmeyn, Diiwaangelinta dhacdo kasta oo musuq ama shaki ah Iyo u gudbinta degdegga ah ee warbixinaha Guddiga iyo hay’adaha amniga

Guddigu ayaa si cad waxa uu uga digay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo hannaanka doorashada, sida Codbixin laba jeer ah, isticmaalka dukumiinti been abuur ah, ama in qof kale lagu codeeyo magaciisa, waxaana Guddiga wacad ku maray sida warkoodi ku xusan in Qof kasta oo ku lug yeesha falalkaas uu wajihi doono tallaabo sharci oo waafaqsan shuruucda doorashooyinka iyo xeerka ciqaabta Soomaaliya.

Guddigu ayaa ugu dambeeyntii ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda in ay taageerayaashooda ku wacyigeliyaan ilaalinta sharciga iyo ka qaybgalka doorasho nabdoon oo hufan.

Baydhabo: Guddiga Doorashada oo soo saaray go’aan cusub oo fududeynaya codbixinta doorashada Koonfur Galbeed