Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray wareegto cusub oo si toos ah u saameynaysa habka codbixinta doorashooyinka ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddigu ayaa shaaciyay in codbixiyeyaasha si rasmi ah u diiwaangashan ay codkooda ku dhiiban karaan kaliya marka la helo laba shuruud oo kala ah, inuu qofka sito Kaarka codbixiyaha rasmiga ah Ama warqadda diiwaangelinta codbixiyaha
Guddiga ayaa sidoo kale warkoodi ku faray shaqaalaha goobaha codbixinta in ay si adag u xaqiijiyaan aqoonsiga codbixiyaha, In magaciisu ku jiro liiska kama dambaysta ah, Ka hortagga codbixin laba jeer ah, Isticmaalka khad aan tirmeyn, Diiwaangelinta dhacdo kasta oo musuq ama shaki ah Iyo u gudbinta degdegga ah ee warbixinaha Guddiga iyo hay’adaha amniga
Guddigu ayaa si cad waxa uu uga digay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo hannaanka doorashada, sida Codbixin laba jeer ah, isticmaalka dukumiinti been abuur ah, ama in qof kale lagu codeeyo magaciisa, waxaana Guddiga wacad ku maray sida warkoodi ku xusan in Qof kasta oo ku lug yeesha falalkaas uu wajihi doono tallaabo sharci oo waafaqsan shuruucda doorashooyinka iyo xeerka ciqaabta Soomaaliya.
Guddigu ayaa ugu dambeeyntii ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda in ay taageerayaashooda ku wacyigeliyaan ilaalinta sharciga iyo ka qaybgalka doorasho nabdoon oo hufan.














