Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay wafdi u diri doonto magaalada Muqdisho, si ay dowladda Soomaaliya uga la hadasho sii daynta shaqaale u dhashay Pakistan oo lagu haysto Markab ay afduubteen burcad badeedda Soomaalida.
Andrabi ayaa sheegay in Safaaradda Pakistan iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay si dhow ula socdaan arrinta, isaga oo xusay in wafdi Pakistani ah laga yaabo inay dhawaan booqdaan Mogadishu si ay kulan ula yeeshaan hay’adaha ay khuseyso kiiskaasi.
Wuxuu sheegay in marxaladdan aysan wali suuragal ahayn in si degdeg ah loo helo dadka la afduubtay, balse uu jiro horumar laga sameynayo wada-hadallada iyo xiriirrada diblomaasiyadeed ee arrintaasi ku saabsan.
Warka ka soo baxay Dowladda Pakistan ayaa yimid, iyadoo kooxaha burcad badeedda ay dalbadeen in ay inay si toos ah ula hadlaan wakiillo ka socda dowladda Pakistan, sida ay sheegeen ilo ku dhow kooxaha burcad baddeeda ee haysta markabka Honor 25 oo ay saaraan yihiin shaqaalaha Pakistan.
Burcad-badeedda ayaa sidoo kale dirtay sawirro cusub oo muujinaya 17 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha markabka Honor 25, oo ay ku jiraan 10 muwaadiniin Pakistani ah, kuwaas oo la haysto tan iyo markii markabka la afduubay 21-kii Abriil.
Muddo laba toddobaad ah, qoysaska la haystayaasha ayaa ku jira welwel iyo cabsi joogto ah oo la xiriirta badbaadada ehelkooda.













