Dawladda Islaamiga ah ee Iran oo ka Digtay In Loo Soo Dhawaado Marinka Hormuz Cidii iska Dhegatirtana ay la Kulmi Doonto Ciqaab.

0
136

Dowladda Iran ayaa si adag uga digtay qorshaha cusub ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kaas oo lagu magacaabay “Mashruuca Xoriyada”, laguna doonayo in maraakiibta ku xanniban lagaga saaro marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

Xildhibaan sare oo ka tirsan baarlamaanka Iran, Ibraahim Caziizi (Ebrahim Azizi), ayaa sheegay in faragelin kasta oo Maraykan ah oo ka dhacda marinkan ay noqon doonto mid si toos ah u jabinaysa xabbad-joojinta hadda jirta. Waxa uu intaas ku daray in Iran ay si dhow ula socon doonto dhaqdhaqaaq kasta oo milatari oo halkaas ka dhaca.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in howlgalkaasi uu bilaaban doono saacadaha soo socda, isagoo ujeedkiisu yahay in si ammaan ah loo hago maraakiibta ganacsiga ee ku xaniban marinka muhiimka ah ee Hormuz, kaas oo ah marin ay maraan maraakiib badan oo saliidda qaada.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegtay inay weli qiimaynayso jawaabta ay ka heshay Washington ee ku aaddan hindise ka kooban 14 qodob oo ay Iran soo bandhigtay si loo soo afjaro colaadda taagan. Trump ayaa hore u sheegay in soo jeedintaasi ay tahay mid “aan la aqbali karin”.

Xiisadda gobolka ayaa weli kacsan, iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha ay ka geysanayso Lubnaan, halka sidoo kale ay ballaadhisay aagga ay ka maamusho Qasa, iyadoo ku dhawaaqday waxa ay ugu yeedhay “Khadka Huruuda ah”.