Cabdinuur Axmed Darmaan waa mid ka mid ah murashixiinta ugu cad ee hoggaanka dalka Soomaaliya, isagoo leh waayo-aragnimo siyaasadeed, karti hoggaamineed iyo sumcad wanaagsan oo uu ku dhex leeyahay bulshada Soomaaliyeed. Muddooyinkii uu ku jiray saaxadda siyaasadda, wuxuu muujiyey dadaal joogto ah oo ku aaddan horumarinta dalka, ilaalinta midnimada ummadda iyo dib u soo celinta karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Intii uu hoggaaminayey xisbiga Jamhuuriga, Cabdinuur Darmaan wuxuu door muuqda ka qaatay arrimo bini’aadantinimo oo muhiim ah, gaar ahaan dadaalladii lagu sii daayey maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Liibiya iyo dalal kale. Tallaabooyinkaas waxay muujiyeen damiir hoggaamineed, waddaniyad iyo xilkasnimo ku wajahan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Cabdinuur Darmaan wuxuu ka soo jeedaa qoys leh taariikh siyaasadeed oo wanaagsan, kanaalin weyn ka soo qaatay horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, taas oo sii xoojineysa kalsoonida lagu qabo hoggaankiisa.
Sanadkan, murashax Cabdinuur Darmaan wuxuu soo bandhigayaa aragti siyaasadeed oo ku dhisan:
- Amni iyo xasillooni buuxda
- Dib u dhiska dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada
- Cadaalad iyo dowlad wanaag
- Xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan
Barnaamijkiisa siyaasadeed wuxuu xoogga saarayaa in Soomaaliya noqoto dal isku filan, nabad ah, isla markaana leh dowlad daahfuran oo u adeegta shacabka.





