Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa ku dhawaaqay in la kordhiyay muddada kama dambaysta ah ee soo gudbinta liisaska musharrixiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana dib loo dhigay maalinta doorashada golayaasha wakiillada iyo deegaanada.
Go’aankan ayaa yimid kaddib codsi rasmi ah oo ka yimid ururrada siyaasadda, kuwaas oo 23-kii Abriil dalbaday in waqti dheeraad ah la siiyo si ay u dhamaystiraan habraacyada diiwaangelinta musharrixiintooda. Guddiga ayaa sidoo kale la tashiyo la yeeshay madaxda ururrada 25-kii Abriil, kulan ka dhacay xarunta guddiga.
Guddiga ayaa sheegay in qiimeyn uu sameeyay kaddib ay cadaatay baahida loo qabo in la siiyo ururrada waqti dheeraad ah, si loo xaqiijiyo hufnaan, daahfurnaan iyo u hoggaansanaan sharciga ah oo ku aaddan geeddi-socodka doorashada.
Sida ku cad war-saxaafadeedka, muddada cusub ee kama dambaysta ah ee soo gudbinta liisaska musharrixiinta ayaa loo asteeyay 5-ta May 2026. Sidoo kale, maalinta doorashada oo hore loogu qorsheeyay 28-ka Abriil ayaa dib loogu dhigay 10-ka May 2026.
Guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadeed inay ka faa’iidaystaan muddada kordhinta ah, isla markaana ay soo gudbiyaan liisaskooda musharrixiinta si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada u yaalla.
Dhanka kale, guddiga ayaa sheegay inuu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada, si loo kordhiyo ka-qaybgalka dadweynaha ee doorashada, isla markaana loo hubiyo hannaan doorasho oo hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Guddiga doorashada ayaa ku celiyay in ay ka go’an tahay qabashada doorashooyin caddaalad ah, daahfuran, isla markaana lagu kalsoonaan karo.














