Masuuliyiin Soomaali ah oo Ka Qeyb galay Shir uu Martigeliyey Maamul Gooni-Goosad ah.

0
305

Wakiillo ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gooni u goosadka ee Abkhazia  oo ka tirsan Georgia, intii lagu guda jiray shir dhaqaale oo caalami ah oo lagu qabtay Sokhumi 3–4 Abriil, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulkaas.

Soomaaliya si rasmi ah uma aqoonsana Abkhazia inay tahay dal madax-bannaan. Si kastaba, warbaahinta maxalliga ah ee Apsnypress ayaa sheegtay in wakiillada Soomaaliya matalayay oo ahaa labo xunnood oo lagu magacaabo Ismaaciil Xasan Nuur iyo Muna Aadan Cabdi ay muujiyeen baahida loo qabo in la dhiso xiriir diblomaasiyadeed.

Warbaahinta ayaa sidoo kale soo xigatay mas’uuliyiinta Abkhazia, in ay u sheegeen wafdiga Soomaaliyeed inay ku faraxsan yihiin ka qaybgalka shirka, islamarkaana ay rajeynayaan in tani noqoto tallaabo lagu sii xoojinayo xiriirka mustaqbalka.

Abkhazia ayaa sidoo kale sheegtay in gobolka uu leeyahay ciidan diyaarsan, isla markaana uu horumarinayo waxbarashada iyo caafimaadka isaga oo kaashanaya Ruushka, oo uu ku tilmaamay xulafo istaraatiiji ah.
Abkhazia waxay sidoo kale sheegtay inay leedahay fursado muhiim ah oo dhinaca gaadiidka iyo dekedaha ah, iyadoo la horumarinayo kaabayaal, halka furitaanka garoonka diyaaradaha ee Sokhumi sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibbada maamulkaas uu siinayo rajo mustaqbal ah.

Maamulka Abkhazia ayaa intaas ku daray inuu u furan yahay iskaashi caalami ah iyo inuu doonayo inuu xiriir saaxiibtinimo la yeesho dal kasta oo diyaar u ah wada hadal wax dhisaya.

Inta badan beesha caalamka waxay Abkhazia u aqoonsan yihiin inay ka tirsan tahay dhulweynaha Georgia. Kaliya shan dal—Russia, Nicaragua, Venezuela, Nauru, iyo Syria, ayaa u aqoonsan inay yihiin dowlado madax-bannaan.

Dhinaca kale, HOL oo xiriir la sameysay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay jirin cid ay u dirsatay kulankaan. Waxayna sheegeen in xubnaha ka qeyb galay aysan ka tirsanayn wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay wadaan baaritaan arrintan ku saabsan.