Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo Sheegay in Dawladda Federalku Duulaan Qaawan ku Soo Qaaday Maamulkiisa.

0
487

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay waddo waxa uu ku tilmaamay “duullaan qaawan” iyo faragelin toos ah oo ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo.

Khudbad uu maanta u jeediyey ciidamo cusub oo  tababar loo soo xiray, ayuu madaxweyne Laftagareen sheegay in dowladda dhexe ay adeegsanayso ciidamo gaar ah iyo diyaarado lagu daabulayo maleeshiyaad iyo ciidan la geynayo deegaannada Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen wuxuu ku eedeeyey Villa Soomaaliya inay kala qaybinayso shacabka reer Koonfur Galbeed”, isla markaana cadaadis iyo handadaad ku hayso degmooyin iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa.

“Soomaaliya Xamar kaliya ma aha,” ayuu yiri Laftagareen, isaga oo ku dooday in awoodda iyo kheyraadka dowladnimada loo adeegsanayo cadaadis siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhan ah bulsho Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in hubkii iyo agabkii dowladnimada Soomaaliya, iyo sidoo kale fursadihii ka dhashay qaadista cunaqabateynta hubka, loo weeciyey in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo ciidamada ku sugan deegaannada maamulkaas.

“Labadii bari ee u dambeysay waxaa jiray duullaan qaawan oo xishood la’aan ah, oo bini’aadannimada ka baxsan, oo Soomaalinimada ka baxsan,” ayuu yiri Laftagareen.

Wuxuu dhinaca kale amaan u jeediyey ciidamada AUSSOM iyo saraakiisha ka qeyb qaatay tababarka ciidamo cusub oo Koonfur Galbeed ah. Wuxuu sheegay in ciidamadaas cusub loo diyaarinayo inay la wareegaan amniga deegaannadooda, marka ay ciidamada shisheeye ka baxayaan dalka.

Wuxuu sidoo kale u mahad celiyey wasiirrada iyo xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay inay si buuxda ugu taagan yihiin “difaaca dalka” iyo taageerada ciidamada cusub.

Dhamaadka khudbaddiisa, Laftagareen wuxuu ballanqaaday in askarta tababarka dhammaysatay ay heli doonaan xuquuqdooda ciidanimo, oo ay ku jiraan mushahaar, dallacaad, daryeel caafimaad, iyo aqoonsiga rasmiga ah ee askarinimo.