Xiisad culus ayaa ka taagan gobolka Khaliijka, kaddib markii dowladda Iiraan ay weerarro gantaallo ah ku qaadday dalal dhowr ah oo deris la ah, kuwaas oo kala ah Qatar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.
Dowladda Qatar ayaa sheegtay in weerarrada lagu badhtilmaameedsaday xarunta weyn ee gaaska ee Ras Laffan ay geysteen khasaare baaxad leh. Shirkadda QatarEnergy ayaa iyaduna xaqiijisay in dabab xooggan ay ka kaceen xarumo dhowr ah oo gaaska dabiiciga ah lagu farsameeyo, kuwaas oo ay saameeyeen weerarro dhacay waaberigii hore ee maanta. Inkastoo burburku weyn yahay, haddana lama soo sheegin wax khasaare naf ah.
Qatar ayaa sidoo kale amar ku bixisay in saraakiisha amniga iyo milatariga ee Iiraan ee dalka ku sugan ay si degdeg ah uga baxaan.
Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa hakiyay shaqadii xarunta gaaska ee Habshan ee ku taalla Abu Dhabi, halka Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba warshadood oo shidaalka sifeysa la beegsaday. Riyadh ayaa caddeysay in kalsoonidii ay hore ugu qabtay Iiraan ay hadda gebi ahaanba meesha ka baxday.
Weerarradan ayaa daba socda duqeymo ay Israa’iil ku qaaday gudaha Iiraan, oo ay ku jiraan saldhigyo ciidan iyo goobaha gaaska sida Koonfurta Pars. Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa ka digay in colaaddan ay dhalin karto cawaaqib aan la xakamayn karin oo saamayn kara dunida oo dhan.
Sidoo kale, weerarro jawaab celin ah oo ay Iiraan ku qaaday Israa’iil ayaa sababay dhimashada afar qof oo ku sugnaa Tel Aviv iyo Daanta Galbeed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal bin Farxaan, ayaa si adag uga hadlay xaaladda, isagoo sheegay in dulqaadka dalalka Khaliijka aanu ahayn mid aan xad lahayn. Wuxuu xusay in dalalku leeyihiin awood milatari oo ay kaga jawaabi karaan haddii loo baahdo.
“Dulqaadka la muujinayo ma aha mid aan dhammaad lahayn,” ayuu yidhi wasiirku, isaga oo ugu baaqay Iiraan inay si degdeg ah dib uga fiirsato tallaabooyinkeeda isla markaana joojiso weerarrada ay ku hayso dalalka deriska ah.













