Madaxweyne Donald Trump oo Markale Sheegay in Soomaaliya Tahay Dunida Afraad ee Ugu Khatarta Badan Caalamka.

0
475

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa hadal uu ka jeediyay xafiiska Oval Office ku sheegay in Soomaaliya ay tahay “dal ka hooseeya dunida saddexaad oo ka tirsan duni afraad”, isaga oo mar kale ku celiyay eedeymo uu u jeediyay xildhibaan Ilhan Omar.

“Soomaaliya waa dal ka tirsan dunida afraad, Waa mid kamid ah meelaha ugu khatarta, badan adduunka, waxba ma haystaan, golayaal malaha, dowlad malaha, booliis malaha, meel kasta way isku dilayaan, halkan ayay yimaadeen oo 19 bilyan oo dollar ayay xadeen, taasi waa waali dee” ayuu yidhi Trump.

Trump ayaa ku andacooday in Ilhaan Cumar ay si sharci-darro ah ku gashay Maraykanka, isaga oo sheegay in ay dalka ku timid iyadoo guursatay walaalkeed si ay u hesho waraaqaha deggenaanshaha. Madaxweynaha Maraykanka ma soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraya eedeyntaas.

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka kana soo jeeda gobolka Minnesota, ayaa marar badan si cad u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay “kuwa been abuur ah oo xanuun badan.”

Hadallada Trump ayaa marar badan dhaliya muran siyaasadeed, isaga oo si joogta ah u maaga Ilhaan Cumar, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida adag u dhaliila qaar ka mid ah siyaasadihiisa.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa hore iyo marar badan hadallo dhaliil iyo weerar ah ugu jeediyay Soomaaliya iyo Soomaalida ku nool Maraykanka, arrintaas oo inta badan dhalisa dood iyo muran siyaasadeed oo ka dhex dhaca bulshada iyo siyaasadda Maraykanka.