Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Iran ay la soo xidhiidhay si loo gaadho heshiis cusub, hase yeeshee uu xusay in shuruudaha ay soo jeediyeen aanay weli ku filnayn dhinaca Maraykanka.
Wareysi uu siiyay NBC News, Trump ayaa sheegay in Tehran ay muujisay rabitaan ku aaddan wadahadal, balse uu tilmaamay in heshiis kasta oo la gaadho uu ku xirnaan doono in Iran ay gebi ahaanba ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliyeerka.
“Way nala soo xidhiidheen, laakiin shuruudaha weli ma aha kuwo nagu filan,” ayuu yidhi Trump, isagoo hadalkan horey dhowr jeer u sheegay. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Iran weli si rasmi ah uma xaqiijin sheegashadaas.
Trump ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay xaaladda hoggaanka cusub ee Iran, gaar ahaan Mojtaba Khamenei, oo la sheegay inuu noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalkaas. Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in aanu hubin xaaladdiisa, maadaama aanu si muuqata uga soo muuqan fagaarayaasha tan iyo markii uu xilka qabtay.
Dhanka milatariga, Trump wuxuu sheegay in ciidamada Maraykanku ay si weyn u wiiqeen awoodda Iran ee soo saarista gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), isaga oo saadaaliyay in awooddaas si buuxda loo burburin karo muddo laba maalmood gudahood ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Maraykanku badhtilmaameedsanayo xarumaha ay Iran ku soo saarto hubka, gaar ahaan kuwa saameynta ku leh marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Strait of Hormuz, halkaas oo ay maraan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.
Xiisadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iran ayaa weli kacsan, iyadoo labada dhinac ay isku dayayaan inay helaan faa’iido milatari iyo mid siyaasadeed oo ka horreysa wadahadal kasta oo suurtagal ah.













