Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Qaranka Soomaaliyeed oo War Ka Soo Saarey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

0
625

Nairobi, Kenya –
Prof. Amina Adan Mohamed oo ka tirsan Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, isla markaana ah xubin Golaha ku matasha Guddiga Tacliinta, Tababarada iyo Cilmi-baarista ee AMCOA, ayaa kulan muhiim ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula yeelatay masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adda World Continuing Education Alliance (WCEA).

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Paddy Mwangi, oo ah Regional Director ee WCEA, iyo Craig Fitzpatrick, oo ah Director of Partnerships ee isla hay’adda. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray horumarinta waxbarashada joogtada ah ee mihnadlayaasha caafimaadka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xiriira barnaamijyada CME/CPD (Continuing Medical Education / Continuing Professional Development).

Prof. Amina Adan Mohamed ayaa kulanka ka sheegtay in Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka uu si buuxda uga go’an yahay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada mihnadlayaasha caafimaadka, si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka ee dalka. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga lala yeesho hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya waxbarashada caafimaadka.

Kulankan ayaa la filayaa inuu horseedo fursado cusub oo lagu horumarinayo tababarada iyo cilmi-baarista caafimaadka, taas oo gacan ka geysan doonta kor u qaadidda tayada adeegyada caafimaad ee bulshada.

—DHAMMAAD—
Xafiiska Xiriirka Warbaahinta iyo La-falgalka Dadweynaha
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.