Murashax Madaxweyne Dr. Cumar Faaruuq oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho..

0
685

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo gaaray murashax madaxweyne Dr. Cumar Faaruuq, oo ka mid ah musharrixiinta u taagan hoggaanka dalka.

Intii uu joogay magaalada, murashaxu wuxuu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida aqoonyahannada, ururrada bulshada rayidka, ganacsatada, iyo qeybaha kale ee bulshada. Kulamadan ayaa ujeedkoodu ahaa sidii uu murashaxu ugu kuurgeli lahaa xaaladda dhabta ah ee amni, bulsho iyo dhaqaale ee ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dr. Cumar Faaruuq ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu safar ku maro gobollada dalka iyo dowlad-goboleedyada, si uu si dhow ugu qiimeeyo xaaladaha ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed, ugana dhagaysto baahiyaha iyo aragtiyaha bulshada ku nool deegaanada kala duwan ee dalka.

Kadib marka uu dhameeyo socdaalladaas iyo la-tashiyada bulshada, murashaxu wuxuu si rasmi ah u shaacin doonaa qorshihiisa siyaasadeed iyo barnaamijka murashaxnimadiisa ee ku aaddan hoggaaminta dalka.

Dr. Cumar Faaruuq waa sharci-yaqaan khibrad dheer leh, waxaana uu dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray u soo noqday lataliye dhinaca shuruucda iyo qawaaniinta.

Sidoo kale, Dr. Cumar Faaruuq waa aas-aasaha xarunta Faruuq Public Notary, oo ah xarun bixisa adeegyo notaryo iyo latalin sharci, taas oo muddo dheer u adeegeysay bulshada Soomaaliyeed.