Weerarro cusub oo ay si wadajir ah u fuliyeen Israa’iil iyo Mareykanka ayaa lagu garaacay xarumaha kaydinta shidaalka iyo warshado sifeya saliidda ee ku yaalla caasimadda Iran ee Tehran, taas oo sababtay dab waaweyn oo ka kacay qaybo ka mid ah magaalada. Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu horreeyay ee si toos ah loogu beegsado xarumaha shidaalka ee Tehran tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya dhinacyada.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegtay in qaraxyada iyo dabka ka dhashay duqeymaha ay si weyn uga muuqdeen magaalada, halka ciidamada Iran ay isku dayayeen inay xakameeyaan xaaladda. Dad badan oo rayid ah ayaa sidoo kale la soo sheegay inay waxyeello ka soo gaadhay weerarrada.
Mas’uul sare oo ka tirsan Iran, Ali Larijani, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu hurinayo dagaal gobolka galaafan kara. Wuxuu sheegay in Washington ay “bixin doonto qiimaha” dagaalka ay wado, isaga oo sidoo kale ku dooday in Mareykanku ku guuldarreysanayo inuu gaadho hadafyadii uu dagaalka ka lahaa.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in weerarrada lagu qaadayo Iran la sii xoojin doono haddii Tehran ayna joojin falalka ay ku beegsanayso xulafada Mareykanka. Trump ayaa sidoo kale tacsi u diray askar Mareykan ah oo ku dhintay dagaalka socda.
Xiisadda ayaa ku sii fiday gobolka Bariga Dhexe, kaddib markii dalalka Qatar, Sacuudi Carabiya, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ay sheegeen inay mar kale la kulmeen weerarro ay Iran fulisay, inkastoo madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian uu hore u raalli-gelin uga bixiyay weerarro hore oo lagu qaaday dalalka deriska ah, isla markaana uu ballanqaaday in la joojin doono.
Dhinaca kale, dadweyne badan ayaa ka qeyb galay aas loo sameeyay carruur iyo rayid kale oo ku dhintay duqeymaha, waxaana ka mid ahaa gabadh laba jir ah oo lagu magacaabi jiray Saynab Sahebi, taas oo ku geeriyootay mid ka mid ah weerarrada.
Dagaalkan sii xoogaysanaya ayaa cabsi weyn ku abuuray gobolka, iyadoo khubarada siyaasadda ay ka digayaan in isku dhacyadu isu beddeli karaan dagaal ballaadhan oo ku fida Bariga Dhexe haddii aan xal diblomaasiyadeed degdeg ah la helin.













