Sida ay tebiyeen warbaahinta Masar, kulanka xiriirka taleefanka ah ayaa dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aty, iyo dhiggiisa Mareykanka Marco Rubio, kuwaa oo diiradda lagu saaray arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Wasiirka Masar ayaa ku adkeystay taageerada xukuumaddiisa ee ilaalinta madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo si cad u diiday wax kasta oo ku saabsan sheegashada aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israel, waxaana uu ku sheegay inay tahay jebin sharciga caalamiga ah isla markaana khatar ku ah xasilloonida Badweynta Cas.
Sidoo kale, Masar ayaa ku boorisay in la xoojiyo wada-shaqeynta siyaasadeed iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee gobolka si looga hortago xiisadaha hubeysan ee ka taagan Soomaaliya iyo Geeska Afrika.
Wasiirka Masar ayaa ku celiyay in taageerada caalamiga ah loo baahan yahay si loo ilaaliyo midnimada dalka, horumarinta hay’adaha, iyo badbaadada dadka Soomaaliyeed.
Dhanka Mareykanka, Marco Rubio ayaa ku amaanay doorka Masar ee xasilinta gobolka, gaar ahaan dadaallada ku saabsan taageerada dowladda Soomaaliya iyo fududeynta arrimaha bini’aadantinimo ee ragaadiyay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan xaaladaha adag.
Wasiirradu waxay isla meel dhigeen in la sii wado wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxaysa labada dal si loo wajaho caqabadaha degdegga ah ee ka jira gobolka, gaar ahaan arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika.













